Home Wararka Maanta Ciidamada Israel oo soo kubaareeyay Isbitaalka Nasser ee Gaza

Ciidamada Israel oo soo kubaareeyay Isbitaalka Nasser ee Gaza

by Laacib

Ciidamada Israel ee ka dagaalamaya deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza ayaa culeys soo saaray Isbitaalka Nasser ee galbeedka Khan Yunis.

Wararka ayaa sheegaya in isku dhacyada ay markan si aad ah ugu soo dhawaadeen Isbitaalka Nasser, oo ah xarunta ugu weyn caafimaad ee Gaza ee hartay.

Isbitaalkan ayaa la sheegay in uu si maalinle ah u qaabilo dhaawacyada boqolaal qof oo rayid ah.

Dadka rayidka ah ee halkaasi ku haray ayaa laga soo xigtay in Ciidamada Israel ay si weyn u duqeynayaan nawaaxiga isbitaalkaasi.

Ma cadda in Ciidamada Israel ay weerar ku yihiin isbitaalkaasi iyo in kale, balse waxaa muuqata in marba marka ka dambeysa ay si aad ahi ugu soo sii siqayaan.

Iyadoo dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka ay waqti adag ku shaqeynayaan ayaa waxaa haddana laga cabsi qabaa in Militariga Israel ay carqaladeeyaan adeegga uu bixiyo isbitaalkaasi.

Isniintii shalay illaa xalay, diyaaradaha dagaalka Israel ayaa duqayn ku burburiyay tiro ka mid ah dhismayaasha ay rayidka kaga sugan yihiin galbeedka Khan Yunis.

Shalay oo keliya ayaa la sheegay in duqaymaha Khan Yunis lagu dilay 65 qof oo rayid ah, sida ay sheegeen ilaha caafimaad, ka dib markii Ciidamada Israel ay beegsadeen goobo caafimaad, ambalaasyo iyo iskuulo ay kumanaan rayid ah gabaad ka dhiganayaan.

Tani waxaa la leeyahay waa farriin toos ah oo ku socota dadka rayidka ah, si ay u banneeyaan xaafadaha ay weli ku harsan yihiin iyo kaabeyaasha rayidka ee ay gabaadka ka dhiganayaan, waana xilli aan loo sheegin aag kaloo nabdoon oo ay taggi karaan.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa xalay sheegtay in 24-kii saac ee ugu dambeysay ay duqaymaha Israel ka waddo Marinka Gaza ku dhinteen 190 qof, 340 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda ayaa sheegtay in wadarta guud ee tirada dadka lagu dilay Gaza ay hadda gaartay 25,295 qof, halka tirada dhaawacana ay ku sheegtay in ka badan 63,000 oo qof.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku goodiyay inay sii wadi doonaan dagaalka, illaa iyo inta ay ka burburinayaan Ururka Xamaas.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc