Home Wararka Caalamka Ciidamada Israel oo wax ka yar toddobaad dilay kun qof oo shacab ah

Ciidamada Israel oo wax ka yar toddobaad dilay kun qof oo shacab ah

by Laacib

Wasaaradda Caafimaadka ay Xamaas maamusho ayaa sheegtay in tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay Marinka Gaza ay kor u dhaaftay 29,000 oo qof.

Wasaaradda ayaa maanta sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay oo keliya ay Ciidamada Israel dileen 107, 145 kalena ay dhaawaceen.

“Tani ayaa wadarta guud ee dhimashada ka dhigeysa 29,092 qof.” Ayaa lagu yiri war ay wasaaraddu soo saartay.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in tirada guud ee dadka dhaawacmay, tan iyo markii ay colaadda bilaabatay ay gaartay 69,028 qof.

Sida ku cad xogta khasaaraha ee dadka rayidka ah, Ciidamada Israel ayaa wax ka yar muddo toddobaad ah dilay kun qof oo shacab ah.

Weerarada naxariis darrada ah ee Israel ka waddo Marinka Gaza ayaa abuuray carro caalami ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc