Home Wararka Caalamka Ciidamada Israel oo weeraray Masaajido, isbitaalo iyo iskuulo

Ciidamada Israel oo weeraray Masaajido, isbitaalo iyo iskuulo

by Laacib

Ciidanka Cirka Israel oo sii wada duqaymaha Gaza ayaa Sabtidii bartilmaameedsaday goobaha rayidka ee Marinka Gaza, iyadoona ay tiro dad ah ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Militariga Israel ayaa beegsaday Masaajido, iskuulo iyo isbitaalo ku yaala labada daamood ee Gaza.

Ciidamada Israel ayaa duqeeyay Dugsiga Al-Fakhoora oo ku yaala xerada qaxootiga Jabalia, kaas oo ay maamusho Hay’adda Qaramada Midoobay U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA).

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in 15 qof ay ku dhinteen duqayntaasi, halka 54 kalena ay ku dhaawacmeen.

“Tirada dhimashada ayaa la filayaa inay sare u kacdo.” Ayuu yiri Maamulaha Isbitaalka Al-Shifa, Muhammad Abu Silmeyeh.

Kumanaan kun oo qof oo guryahooda uga barakacay duqaymaha Israel ayaa gabaad ka dhiganayay Dugsiga Al-Fakhoora.

Weerarka lagu qaaday iskuulkaasi ayaa noqonaya kiisii saddexaad ee wax ka yar toddobaad ka dhaca xerada Jabalia.

Weerarkan ayaa imaanaya saacado yar uun ka dib, markii weerar ay 20 qof ku dhinteen ay Ciidamada Israel ka gaysteen Dugsiga Osama bin Zaid, oo hoy u ahaa qoysas barakacayaal ah oo ku noollaa deegaanka Al-Saftawi ee waqooyiga Gaza.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale duqeeyay Isbitaalka Carruurta Al-Nasser ee galbeedka Gaza. Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in dad rayid ahi ay ku waxyeeloobeen duqayntaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay weerar dhinaca cirka ah ku bruburiyeen motooradii korontada iyo baalayaasha cadceedda ee Isbitaaka Al-Wafa ee Marinka Gaza.

Goor sii horreysay Ciidamada Israel ayaa weeraray gaadiid ambalaas ah oo dad qaba dhaawacyo culus ka qaaday Isbitaalka Al-Shifa ee Marinka Gaza, waxaana la weeraray, xilli ay dhaawacyada u sii wadeen xadka Rafah ee Masar. Weerarkaasi waxaa ku dhintay 15 qof, 60 kalena way ku dhaawacmeen.

Dhanka kale Ciidamada Israel ayaa beegsaday laba Masaajid oo ku yaala koonfurta Gaza. Masaajiddan ayaa lagu kala magacaabaa Ali bin Abi Talib iyo Al-Istijabah.

Ma cadda haddii ay jiraan dad ku waxyeeloobay duqaymaha loo gaystay Masaajiddaasi iyo in kale.

Duqaymaha baahsan ee Ciidamada Israel ee Gaza ayaa loo arkaa mid ay dadka ku barakacinayaan, ka hor hawlgalkooda dhulka ay magaalada isugu fidinayaan.

Tirada dhimashada ee Falastiiniyiinta ayaa gaartay 9,488 qof, oo ay ku jiraan 3,900 oo carruur ah, halka in ka badan 32 kun oo kalena ay ku dhaawacmeen weerarada Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc