Home Wararka Caalamka Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe oo weeraro la kulmaya

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe oo weeraro la kulmaya

by Laacib

Xilli laga cabsi qabo in dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Falastiiniyiinta uu ku wada fido gobolka oo dhan ayaa waxaa xalay la weeraray saldhigyada ay Ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalalka Iraq iyo Syria.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee nooca is qarxiya iyo gantaalo ayaa lagu weeraray laba saldhig oo Ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin dalkaasi Iraq.

Weerarka hore ayaa lagu ekeeyay Saldhigga Ciidanka Cirka ee Ain Al-Asad, oo ay degan yihiin Ciidamada Mareykanka ee ku sugan galbeedka dalkaasi.

Saldhiggan oo ku yaala Gobolka Al-Anbar ayaa laga maqlay qaraxyo waaweyn, sida laga soo xigtay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka.

Taliska Militariga Iraq ayaa sheegay in ay xireen aagga saldhigga, isla-markaana ay bilaabeen hawlgalo baaritaano ah. Ma cadda khasaaraa Ciidamada Mareykanka ka soo gaaray weerarkaasi.

Booliska Iraq ayaa sheegay in sidoo kale la weeraray saldhig kale oo Ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda Baghdad.

Habeen hore Saldhigga Ciidanka Cirka ee Ain Al-Asad ayaa lagu qaaday weerar loo adeegsaday diyaaradaha bilaa duuliyaha ah. Weerarkaasi waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen tiro ka mid ah Ciidamada Mareykanka ee dalkaasi ku sugan.

Kooxaha hubeysan Iraq ee Iran taageerto ayaa ku hanjabay inay beegsan doonaan saldhigyada ay Ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalkaasi, haddii aysan Washington joojin taageeradeeda Israel.

Dhanka kale kooxaha ay Iran taageerto ayaa la sheegay in ay xalay qarxiyeen dhuumaha gaaska, meel ku dhow saldhigga ay Ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalka Syria. Kooxahan ayaa sidoo kale weeraray saldhiggaasi.

Saldhigga Al-Tanf oo ku yaala koonfur bari ee Syria ayaa dhaca meel xasaasi ah, oo inta badan ay adeegsadaan xoogaga taabacsan Iran, si ay hubka uga gudbiyaan Ururka Xisbullah ee maamula koonfurta Lubnaan.

Saraakiisha Mareykanka kama aysan hadlin, haddii weerarkaasi uu waxyeelo ka soo gaaray askartooda iyo haddii kaleba.

Mareykanka ayaa waxaa Iraq ka jooga 2,500 oo askari, halka 900 oo kalena ay ka joogaan dalka Syria. Joogitaankooda dalalkaasi ayaana ah mid ay talo iyo gacan ku siinayaan ciidamada maxaliga ah ee dagaalka kula jira Daacish.

Isla xalay, Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Badda Cas ayaa la sheegay in ay ka hortaggeen gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuuthiyiinta Yemen ee Iran taageerto.

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in markabkooda USS Carney uu fashiliyay weerarkaasi, oo sida ay sheegtay laga yaabo in bartilmaameedkiisu uu ahaa Israel.

Wakaaladaha wararka ee caalamiga ah ayaa Saraakiisha Mareykanka ka soo xigtay in xiisadda gobolka ay cirka isu shareertay, ka dib weerarkii habeenimadii Talaadada loo gaystay isbitaalka ku yaala bartamaha Gaza ee boqolaalka qof ku dhinteen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov ayaa dhinaciisa sheegay in siyaasaddii Mareykanka ee ku wajahneyd Bariga Dhexe ay horseedday in dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Falastiiniyiinta uu faraha ka baxo.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Moscow ay ka digeyso in duulaanka Gaza uu sababo in colaadda ay ku baahdo gobolka oo dhan.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa dhawaan ka digay in ciqaab wadareedka Israel ee dadka reer Gaza ay amni darro u horseeddo gobolka iyo dunidaba.

Ruushka oo taageersan dhismaha dowlad ay Falastiiniyiinta leeyihiin ayaa iska diiday in Xamaas ay ku tilmaamaan koox argagixiso, iyadoo taasi bedelkeedana ay Moscow ku baaqday in loo istaago yegleelidda qaran ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo caasimaddiisuna tahay bariga Qudus ee la haysto.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc