Home Wararka Maanta Ciidamada Mareykanka oo mar kale duqayn ka gaystay Yemen

Ciidamada Mareykanka oo mar kale duqayn ka gaystay Yemen

by Laacib

Ciidamada Mareykanka ayaa duqayntii afaraad ka fuliyay bartilmaameedyada Ururka Xuuthiyiinta ay ku leeyihiin dalka Yemen.

Saraakiil ka tirsan Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in markii afaraad wax ka yar muddo toddobaad ah la beegsaday goobaha ay Xuuthiyiinta kaga sugan yihiin dalkaasi.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa goor dhow bayaan uu soo saaray ku sheegay in la burburiyay 14 gantaal, oo Xoogaga Xuuthiyiinta ay doonayeen inay u adeegsadaan weerarada marinada maraakiibta caalamiga ah.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in gujiska USS Florida oo adeegsanaya gantaalada la hago ee Tomahawk uu bururbiyay gantaalada Xuuthiyiinta.

Taliska ayaa bayaanka ku sheegay inay ilaalin doonaan nolosha dadka rayidka ah iyo badmaaxiinta, si khatarta looga fogeeyo marininada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Duqayntan xalay ka dhacday dalka Yemen ayaa jawaab u ah weerarkii gantaalka loo adeegsaday, ee ay Xuuthiyiinta Arbacadii ku qaadeen markabka ganacsi ee laga leeyahay Mareykanka.

Markabkan oo lagu magacaabo Genco Picardy ayaa lagu beegsaday Gacanka Cadmeed, xilli uu siday shixnad dhagaxa Phosphate-ka ah.

Washington oo culeyska ku kordhineysa Xuuthiyiinta Yemen ayaa soo saartay war ay ku sheegeyso in ay saddex sano ka dib ay dib ugu celisay liiska argagixisada caalamiga ah.

Xuuthiyiinta ayaa sheegay in weeraradooda ay ku garab istaaggayaan shacabka Falastiiniyiinta, ayna sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah maraakiibta u socota Israel iyo kuwa kale ee ay Israeliyiintu leeyihiin.

Weerarada isbahaysiga Mareykanka ee ka dhanka ah Xuuthiyiinta Yemen ayaa loo arkaa kuwo uun kaga sii daraya xiisadda ka aloosan marinka Bab al-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc