Home Wararka Maanta Ciidamada oo culeyska ku kordhinaya Shabaabka Galmudug

Ciidamada oo culeyska ku kordhinaya Shabaabka Galmudug

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya xoogaga deegaanka ee la abaabulay ayaa hadda wada qorshe kale, ee ay culeyska ugu kordhinayaan maleeshiyada Al Shabaab, xilli ay haatan hawlgal ballaaran ka wadaan Gobolka Galgaduud.

Hawlgalka gobolka ka socda ayaa ah mid maleeshiyadaasi looga sifeynayo deegaanada hoostagga Magaalooyinka Galhareeri iyo Ceelbuur, waana gulufka ballaaran ee la doonayo in lagu wiiqo Shabaabka Bariga Gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa hadda wada qorshe ay ku xirayaan xadka gobolkaasi la wadaago dalka Itoobiya, si firxadka maleeshiyada aanay ugu tallaabin dalkaasi.

Cali Baashi Cabdullaahi Cigaal, Wasiir Kuxigeenka Amniga Galmudug ayaa sheegay in uu socdo qorshe ay ciidamada ku xirayaan xadka gobolku uu la wadaago dalkaasi Itoobiya.

Wasiir Kuxigeenka ayaa tilmaamay in Waqooyiga Gobolka Galgaduud lagu diyaariyay ciidamo ka hortagga in firxadka maleeshiyada Shabaabka ay u gudbaan dhanka deriska ee Itoobiya.

Waxa uu sheegay in ciidamada halkaasi lagu diyaariyay loo tababaray ilaalinta amniga xadka.

Wasiir Cigaal ayaa xusay in Galmudug ay u jiheysatay la dagaalanka kooxaha argagixisada iyo sidii looga suulin lahaa dhulka ay haatan uga harsan yihiin deegaanadeeda.

“Dowlad Goboleedka Galmudug waxay ku sii jeedaa la dagaalanka argagixisada iyo sidii looga sifeyn lahaa meelo yaroo kooban oo cadowgu uu ku jiro, aana rajeynayno in mar dhow aan soo geba-gabeeno.” Ayuu yiri Wasiir Cigaal.

Wasiir Cigaal ayaa bidhaamiyay in qasdiga Galmudug uu yahay inaanay Shabaabka dib dambe ugu soo laaban dhulkeeda, ayna tahay in ciidamada iyo xoogaga deegaanka ay si buuxdo isugu fidiyaan deegaanada Galmudug.

Xoogaga deegaanka ee la abaabulay ayaa ciidamada ku hoggaaminaya hawlgalka maleeshiyadaasi looga sifeynayo dhulka miyiga iyo hawdka, si aanay ugu soo laaban waddooyinka deegaanada iyo magaalooyinka laga saaro.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayuu barnaamijkiisu yahay in maleeshiyada Shabaabka la gaarsiiyo heer aanay khatar ku ahayn amniga bulshada ku dhaqan Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc