Home Wararka Maanta Ciidamada oo dhimasho iyo dhaawac u gaystay dad dibadbax ka dhigayay Muqdisho

Ciidamada oo dhimasho iyo dhaawac u gaystay dad dibadbax ka dhigayay Muqdisho

by Laacib

Ugu yaraan hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacantay, ka dib markii Ciidamada Dowladda ay maanta rasaaseeyeen dad bannaanbax ka dhigayay Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa rasaasta ku furay dadkan oo bannaanbaxa ka dhigayay Isgoyska Siinaay ee Degmada Warta Nabadda.

Bannaanbaxayaasha ayaa ka horyimid xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka Degmada Warta Nabadda.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qofka dhintay iyo labada kale ee dhaawacantay ay haleeshay rasaas ay furayn Ciidamada Dowladda.

Bannaanbaxayaasha oo ka carooday falka lagu rasaaseeyay ayaa markii dambe isgoyskaasi ka dhigay dibadbax rabshado wato, iyagoona halkaasi taayaro ku gubay.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha ammaanka ayaan weli ka hadlin shaqaaqada ka dhacday isgoyskaasi.

Hase yeeshee ilo ku dhow dhow laamaha amniga ayaa sheegaya in ciidamadu ay soo xireen askar ka tirsan ciidamada, oo iyagu rasaasta ku furay dadkii halkaasi bannaanbaxa ka waday.

Dadkii bannaanbaxa soo abaabulay ayaa sheegay inaanay aasi doonin meydka nin dhallinyaro ah oo askartu dileen, illaa iyo inta askartaasi maxkamad laga soo taagayo.

Labada qof ee kale ee goobta ku dhaawacmay ayay mid ka mida qof dumar ahayd.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc