Home Wararka Maanta Ciidamada oo gacanta ku dhigay nin fududeeyay ismiidaamintii Jalalaqsi

Ciidamada oo gacanta ku dhigay nin fududeeyay ismiidaamintii Jalalaqsi

by Laacib

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ee ka hawlgala Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay fiidkii gacanta ku soo dhigay nin lagu eedeeyay inuu hagayay ninkii ismiidaaminta Khamiistii ka gaystay degmadaasi.

Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi, Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere) ayaa xaqiijiyay inuu xiran yahay ninkaasi, oo sida uu sheegay fududeeyay weerarkaasi.

Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay maqaaxi laga cunteeyo, laguna shaaho oo ku taala degmadaasi, xilli uu ku sugnaa Gudoomiye Nuur Dheere.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in bartilmaameedku uu isagu ahaa, balse uu Alle ka badbaadiyay dhagartii cadowga, inkastoo sida uu xaqiijiyay uu dhaawac fudud ka soo gaaray qaraxaasi.

“Nimanka target-ka ayay lahaayeen, Ilaahay baana fashilay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaasi ku daray “Bartilmaameedkooda aniga ayuu ahaa, Ilaahay baana iga bixiyay. Marka meesha waxa fadhiyayna waa aniga, ilaaladeedii iyo dad aan qaraabo nahay oo dadka cadowga la dirira ah.”

Gudoomiyaha ayaa sheegaya inaanu ismiidaamiyuhu iska iman goobtii uu ku sugnaa, balse uu jiro nin kale oo arrintaasi fududeeyay, kaas oo sida uu sheegay ismiidaamiyaha gaari ku keenay goobtaasi, isagiina uu hadda xiran yahay.

“Cadowga si toos ah asagoo lugeynaya muusan soo gelin goobta ee nin ayaa soo qaaday oo meesha aan joogay iigu keenay oo xiriirkaas la lahaa, asagana wuu ii xiran yahay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo VOA la hadlay.

Waxa uu sheegay in ismiidaamiyaha lagu hagayay teleefanka gacanta, wax walbana ay ku cad yihiin baaritaanka lagu sameeyay teleefanka uu watay ninka hadda xiran.

Mar wax laga weydiiyay qaabka uu qaraxu u dhacay ayaa waxa uu yiri “Qaraxa waxa uu ka dhacay meeshii aan fadhiyay meel 5-10 tallaabo u jirto, aniga ima uusan aqoonin, laakiin nin la tilmaamayo ayuu ahaa. Marka kursigii aan ku fadhiyay ayaan ka istaagay, niman odayaal ah ayaan la istaagay oo la hadlayay, ninkii siduu u soo ordayay kursigii ayuu soo kor istaagay, ilaaladii qolo ka mid ah ayaa qoryo u qaadatay, wiilaa isku dhigay oo qorigii xitaa uu kula qabsaday, qorigii iyo asagiiba waa baaba’een oo waa jajabeen. Kalsooni saas u buurana ma qabaan, ninkan qarxay naftigiisa asagoo qaylinaayuu qarxay oo cabsi ayaa haysay. Marka bartilmaameedkii ay lahaayeen maysan helin.”

Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere), Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ayaa tirada dadka ku dhintay qaraxaasi ku sheegay sideed qof, oo isugu jira ilaaladiisii iyo dad rayid ah.

Illaa sagaal qof oo qaraxa ku dhaawacmay ayaa dhaawacooda loo qaaday dhinaca Magaalada Muqdisho, si halkaasi lagu la tacaalo xaaladooda caafimaad.

Su’aal ahayd inta uu le’egyahay dhaawaca soo gaaray oo Nuur Dheere la weydiiyay ayaa ku jawaabay “Dhaawacayga waa dhaawac iska yar waa kan hadda aan kula hadlayo, markiiba anigoo dhiigayga uu socdo meeshii aan joogay ayaa la igu daweeyay, waxa yarka ahna faashadaa la iga saaray, bir ayaa ku jirto wax kalena ma ahan, awalna birarkaan horayee iigu jiri jireenoo qaraxa horaa u aqiinayoo dhowr jeeraa qarax ka badbaaday.”

Nuur Dheere ayaa sheegay in maanta laga bilaabo ay dhankooda ka bilaabi doonaan wejiga labaad ee hawlgalka lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab, isagoona ku hanjabay in ay u aargudi doonaan raggii kaga dhintay qaraxii shalay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc