Home Dhacdooyin Ciidamada oo gacanta ku soo dhigay ninkii xaaskiisa ku gubay Muqdisho (SAWIRRO)

Ciidamada oo gacanta ku soo dhigay ninkii xaaskiisa ku gubay Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu nolosha ku gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis ayaa gelinkii dambe ee maanta laga soo qabtay koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) oo kaashanaya Daraakiishta Galmudug ayaa ninkaasi ka soo qabtay tuulada Gabdhaale oo dhanka bari kaga beegan deegaanka Caad.

Taliska NISA ayaa laga soo xigtay in eedeysanaha loo soo wado Magaalada Muqdisho, si halkaasi uu maxkamad ugu wajaho.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa mar dambe qoraal uu soo saaray ku sheegay in eedeysanaha lala soo qabtay laba nin, oo kala shaqeynaysay in uu ka baxsado sharciga.

Laamaha amniga ee Dowladda Federaalka ayaa juhdi badani ku bixiyay, sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen eedeysanaha, ka dib culeys weyn oo ka soo fuulay dhanka Baarlamaanka Federaalka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa laamaha amniga ka dalbaday in ay si degdeg ah gacanta ugu soo dhigaan ninkaasi, sharcigana ay horkeenaan.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa dhawaan sheegay in Sayid Cali Macalin Daa’uud uu 26-kii bishii January uu dab qabadsiiyay hoygooda oo ku yaala Degmada Dharkiinley, gaar ahaan Waaxda Labaad, xilli ay ku sugnaayeen marxuumad Luul Cabdicasiis iyo carruur agoon ah oo ay dhashay.

Marxuumada oo ahayd hooyada lix carruur oo agoon ah ayaa saacadihii dambe ee Khamiistii u geeriyootay dhaawicii ka soo gaaray dabka.

Ciidamada amniga ayaa ka dib geeridii hooyadaasi oo xaamilo ahayd bilaabay in ay baadigoobaan eedeysanaha, taas oo u sahashay in kol horeba uu ka baxsado Caasimadda Muqdisho.

Dhacdadan oo si weyn u taabatay dareenka dadka reer Muqdisho iyo guud ahaanba ummadda Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay wax ugub ku ah bulshada.

Si kastaba ha-ahaatee tallaabada lagu soo qabtay eedeysanaha ayaa qoyska iyo ehelada marxuumadda uga dhigan waddadii ay ku gaari lahaayeen jidka caddaaladda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc