Home Wararka Maanta Ciidamada oo hawlgal laba weji leh ka wado Gobolka Mudug

Ciidamada oo hawlgal laba weji leh ka wado Gobolka Mudug

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ayaa hawlgal laba weji leh oo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab ka wada deegaano ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidan maalin ka hor ka dhaqaaqay Degmada Xarardheere ayaa dagaal culus kula wareegay gacan ku haynta deegaanka Baraag Cali Gaduud oo hoostagga degmadaasi, sida uu sheegay Taliyaha Ururka 25aad, Guutada 6aad ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo wax ka hoggaaminaya hawlgalkaasi.

Korneyl Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale (Xarago) ayaa sheegay in hawlgalka Baraag Cali Gaduud uu ahaa mid qorsheysan, oo jab ay ku gaarsiiyeen maleeshiyada Shabaabka.

“Wuxuu ahaa hawlgal qorsheysan oo aan ugu tala galnay inuusan seeroobin (khasaarin), waana ku guuleysanay.” Ayuu yiri Korneyl Xarago.

Waxa kaloo uu yiri “Ciidamada waa mahadsan yihiin, sidaas baan hawlgalka u wadaynaa, Khawaarijtana kama harayno Insha’Allah. Xabad xabad, labo labo, toban toban iyo soddon soddon ayaan u dhameynaynaa oo u dilaynaa.”

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada ay ku sii jeedaan deegaanka Dhalwo, halkaas oo muddo dheer ay Shabaabku ka arriminayeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu wado qorshe ay ciidamada ku hujuumayaan deegaanka Jowle, si loo kala jaro gurmadka Shabaabka ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Dhanka kale hawlgalkan mid kale oo barbar socdo ayay ciidamadu ka wadaan inta u dhaxeyso deegaanada Cammaara iyo Caad, waana hawlgal Shabaabka looga sifeynayo tuulooyinka u dhaxeeya deegaanadaasi iyo weliba dhulka hawdka ah.

Dhulka ay hawlgaladu ka socdaan ayaa waxaa laga maqlaya guuxa diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah, inkastoo aan la soo sheegin wax duqaymo ah oo illaa iyo hadda ay ka gaysteen.

Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa dhawaan sheegay in gobolka uu ka bilaaban doono guluf cir iyo dhulba leh, oo lagu soo afjarayo sida uu yiri kooxaha argagixisada.

Shabaabka Gobolka Mudug ayaa tan iyo bishii September culeys kala kulmayay Ciidanka Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ee la abaabulay, iyadoo billihii la soo dhaafay ay lumiyeen deegaano muhiim u ahaa joogitaankooda gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc