Home Wararka Maanta Ciidamada oo hawlgalo ka wada Magaalada Ceelbuur

Ciidamada oo hawlgalo ka wada Magaalada Ceelbuur

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa maalintii labaad hawlgalo amni xaqiijin ah ka wada xaafadaha Magaalada Ceelbuur.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay magaalada ka nadiifinayaan haraadiga maleeshiyada Al Shabaab ee Jimcihii laga saaray magaaladaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa la sheegaya in xaafadaha iyo waddooyinka ay ka wadaan hawlgalo miino baaris ah.

Miinooyinka ayaa loo arkaa hubka ugu weyn ee ay maleeshiyada Shabaabka kula dagaalamayaan ciidamada, sida laga bartayba muddadii ay ciidamada ku sii siqayeen magaaladaasi.

Magaaladu waxay u muuqataa mid haawaneysa, iyadoona inta badan dadkii deganaa ay kol hore isaga barakaceen, iyaga oo ka baqdin qaba in lagu dul dagaalamo.

Hase yeeshee Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale ayaa Shabaabka ku eedeeyay in ay qafaasheen dadkii magaalada deganaa, ayna dib uga soo samatabixin doonaan, sida uu yiri.

Gudoomiye Guutaale ayaa ballanqaaday in kooxaha argagixisada ay ka sifeyn doonaan magaalada iyo deegaanada kale ee hoostagga.

Shabaab ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii lumiyay Magaalada Ceelbuur, oo ay ku lahaayeen saldhigooda ugu weyn ee Gobolada Dhexe. Ciidamada ayaana bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta magaaladaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc