Home Wararka Maanta Ciidamada oo horumar ka sameynaya hawlgalka Gobolka Mudug

Ciidamada oo horumar ka sameynaya hawlgalka Gobolka Mudug

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga deegaanka ayaa koonfurta Gobolka Mudug ka wada hawlgalo ay kaga sifeynayaan maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidamada is garabsanaya ayaa hadda kaabiga ku haya deegaanka Caad, ka dib markii ay la wareegeen tuulooyinka ku dhow dhow.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Abshir Cabdi Shiiqow ayaa sheegay in ciidamada ay saacadihii la soo dhaafay la wareegeen dhul ay horey gacanta ugu hayeen maleeshiyada Shabaabka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamadu ay bilaa dagaal kula wareegeen Cimaamad, Kaba-harag, Xabaal Cumar, Cadaley iyo tuulooyin kale.

“Firxadkoodii waxaa hadda laga sii sheegaya inay Caad kor u sii dhaafeen, iyagoo ku wajahan dhinacaa Miliqo, Dabagalo iyo Dumaaye. Waxaa la jooggaa waqtigii Al Shabaab ka idlaan lahaayeen guud ahaan Somaliya, gaar ahaan Galmudug.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa la wareegista tuulooyinkan ku sheegay kuwo macno badan ka sameynaya hawlgalka militariga ee ka socda koonfurta gobolkaasi.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gadaal ka riixaya in ciidamadu ay si buuxdo ula wareegaan gacan ku haynta deegaanka Caad, oo lagu tilmaamo in Shabaabku ku leeyihiin saldhigooda ugu weyn ee gobolka, marka laga soo taggo deegaanka Jowle oo hoostagga Degmada Xarardheere.

Abshir Cabdi Shiiqow, Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo ka waramayay muhiimadda ay Caad leedahay ayaa yiri “Caad waa magaalo istiraatiiji ah oo difaac badan ay ku lahaayeen, aadna ay ugu xooganaayeen Shabaab, ciidamaduna hadda ay halkaasi kulaalayaan.”

Ciidamada ayuu hadafku yahay in ay isku furaan inta u dhaxeyso Degmada Xarardheere iyo deegaanka Cammaara, iyagoo markaasi Shabaab ka saaraya deegaanada Caad, Eryaal, Miiroon iyo Miliqo.

Cutubyo kale oo ciidamada ah oo la fillayo in laga soo dhaqaajiyo dhanka Xarardheere ayaa la doonaya in ay qabtaan deegaanada Jowle iyo Dhalwo.

Qayb kale oo ciidamada ah ayaa lagu wadaa in ay jiho cusub ka dhaqaaqaan, si ay u qabtaan Ceel Cabdi, Dumaaye iyo Dabagalo, waana hawlgalka istiraatiijiyadeed ee sida uu qorshuhu yahay lagu soo geba-gabeynayo waayihii Al Shabaab ee Gobolka Mudug.

Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) oo ku sugan furinta hore ee gobolka ayaa sheegay in Shabaabka ay isaga baxayaan dhammaanba deegaanada lagu wajahan yahay.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka iyo ciidamaduba ay si weyn ugu diyaargaroobeen hawlgalkan, meel kasta oo Shabaabku taggaana aan looga hari doonin, sida uu yiri.

Shabaabka ayaa waxaa muuqata in mar kale uu culeys ka soo fuulay dhanka ciidamada ee la doonayo in gobolka ay isku wada fidiyaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc