Home Wararka Maanta Ciidamada oo hujuumaya Shabaabka ka arrimiya Ceelbuur

Ciidamada oo hujuumaya Shabaabka ka arrimiya Ceelbuur

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta dagaal kula wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceel La-helay, oo hoostagga Magaalada Ceelbuur ee Bariga Gobolka Galgaduud.

Ciidamada oo maalmihii ugu dambeysay ku sii siqaayay deegaankaasi ayay maanta isku fara-saareen maleeshiyada Al Shabaab, oo deegaankaasi uga baxay dhanka Ceelbuur.

Saraakiisha Ciidamada ayaa maleeshiyada Shabaabka ku eedeeyay in ay barakiciyeen dadka deegaanka.

Ceel La-helay waa marinka ugu weyn ee isku xira Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur, ciidamada qabtay ayaana ah kuwii ka soo ruqaansaday Dhuusamareeb.

Ciidamada ayaa lagu wadaa in ay weeraraan deegaanka Ceelgaras, oo muhiim u ah difaaca bari ee Shabaabka Ceelbuur. Qabsashada Ceelgaras ayaa kala jari doonto gurmadkii Shabaabka Ceelbuur, aagga Qaayib iyo Xiindheere.

Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa la filayaa in ay qabtaan deegaanada Wabxo iyo Dac, ka dibna ay uga sii gudbaan Ceelbuur.

Ciidamada kale ee ku sugan tuulooyinka ku dhow dhow deegaanka Burujeed ayaa lagu wadaa in iyana ay dhanka koonfureed kaga sii socdaan Magaalada Ceelbuur. Ciidamadan waa kuwii dhawaan ka qalab qaatay Magaalada Guriceel.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa isku dayaya in ay Shabaabka ka sifeeyaan tuulooyinka iyo deegaanada ku xeeran magaaladaasi, si ciidamadu ay ugu nagaadaan.

Dib ugu laabashada ciidamada ee Ceelbuur ayaa ahmiyad u leh dagaalka ay Dowladda Federaalka kula jirto mintidiinta Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc