Home Wararka Maanta Ciidamada oo ku sii siqaya Degmada Jamaame

Ciidamada oo ku sii siqaya Degmada Jamaame

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa maalintii afaraad hawlgalo ka wada deegaano hoostagga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa si garbo siman hawlgalada uga wada waddada laamiga iyo tan webiga jiinkiisa, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada.

Wararka ayaa sheegaya in hawlgalada xoogooda ay ka socdaan deegaanada ku dhow dhow Baar Sanguuni, Wirkooy, Siin-galeyr, Malaaley, Farwaaqo iyo tuulada Muuse Xaaji oo ka mid ah dhulka ay xoreeyeen.

Ciidamada ayaa ku sii siqaya aagga Buundada Araare, oo ah marinka looga gudbo Webiga Jubba marka loo socdo dhinaca Degmada Jamaame oo qiyaastii ay 7km u jirto.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in raaca hore ciidamada ay ku sugan yihiin nawaaxiga deegaanka Soomarey oo hoostagta degmadaasi, waxayna ka mid tahay goobaha ay Shabaabku ka difaacayaan degmada.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ay garaaceen godad ay Shabaabku difaac kaga jireen oo ku yaala aagga Soomarey.

Ciidamada ayaa la sheegaya in waddada laamiga iyo kuwa qarda-jeexa ay ka bixinayaan miinooyin la sheegay in Shabaabku ay ku aaseen, iyagoo sidoo kalena hagaajinaya buudooyinkii la jaray.

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa sheegay in hawlgalada militari ay maalintii afaraad si xiriir ah uga socdaan gobolkaasi, isla-markaana ay ciidamada ku baacsanayaan kooxaha agagixisada.

“50 ka badan ayaa la dilay, 20 kalena nolosha ayaa lagu soo qabtay, dhul badana waa laga sifeeyay. Alle ayaa mahadsan.” Ayuu yiri Wasiir Alcadaala.

Taliyaha Guutada 2aad ee Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, G/sare Aar Sheekh Cali ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgalada ay ka wadaan jiidda koonfureed ee Degmada Jamaame.

Aadan Axmed Xaaji, Wasiir Kuxigeenka Amniga Jubbaland oo wax ka hoggaaminaya gulufka militari ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid culus, isla-markaana ay sii wadi doonaan hawlgalada dib-u-xoreynta.

Dhanka kale Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan iyo masuuliyiin kale ayaa Isniintii shalay ciidamada ku booqday furinta hore, iyagoona gaarsiiyay gurmad ay ku dhiirigelinayaan hawlgalada ay wadaan.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa sheegay in dagaalka khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay Shabaabka, ciidamadana ay ku boorinayaan in ay sii wadaan.

Gulufkan oo ah mid ka ballaaran kuwii ay horey ciidamada uga samayn jireen gobolka ayay masuuliyiintu sheegeen in lagu xoreynayo dhulka ka maqan gacanta Jubbaland.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc