Home Wararka Maanta Ciidamada oo kulaalaya deegaanka istiraatiijiga ah ee Jowle

Ciidamada oo kulaalaya deegaanka istiraatiijiga ah ee Jowle

by Laacib

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay kulaalayaan deegaanka Jowle oo hoostagga Degmada Xarardheere ee gobolkaasi.

Jowle oo dhacda goob istiraatiiji ah ayaa Xarardheere ku xiriirisa Hobyo, Gaalkacyo, Cadaado, Ceeldheer, Galhareeri iyo Ceelbuur.

Ciidamada oo mar sii horreysay ka ruqaansaday Degmada Xarardheere ayaa doonaya in ay deegaankaasi ka saaraan maleeshiyada Al Shabaab oo muddo dheer ka arriminayay.

Saraakiil uu ka mid yahay General Axmed Xasan Maalin ayaa hoggaaminaya ciidamadan, oo la filayo in Jowle ay uga sii gudbaan dhanka Degmada Wisil.

Sida uu qorshuhu yahay ciidamadan ayaa la hawlgali doona ciidamo fara-badan, oo muddooyinkii ugu dambeysay lagu diyaarinayay Degmada Wisil.

Ciidamadan ayaa loo diyaariyay in ay maleeshiyada Shabaabka ka saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin Koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamadan ayaa ah kuwa loogu talagalay in ay qabtaan deegaanada Dhalwo, Ceel Cabdi, Qaycad (Qeecad), Qodqod, Caad, Cammaara, Dabagalo, Dumaaye, Bacaadweyne illaa Shabellow.

Hawlgalkan ayaa culeyska ku kordhinaya Al Shabaab, oo hadda uu guluf ballaaran kaga furan yahay Bariga Gobolka Galgaduud.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc