Home Wararka Maanta Ciidamada oo la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug (SAWIRRO)

Ciidamada oo la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug (SAWIRRO)

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo garabsanaya xoogaga deegaanka ee la abaabulay ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta deegaanada Bacaadweyne, Shabellow iyo Qaycad.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay iska caabin kala kalmeen maleeshiyada Al Shabaab, oo labadii sano ee ugu dambeysay gacanta ku hayay deegaanadaasi.

Ciidamada ayaa jiiray difaacyadii ay maleeshiyadu ku lahayd deegaanadaasi, taas oo keentay in ay gudaha u galaan, hawlgalana ay ka sameeyaan.

Gulufka dagaal ee lagu xoreeyay deegaanadan ayaa waxaa horkacayay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro).

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Galmudug, General Maxamed Cali Nuur (Gadaar) ayaa sheegay in dagaalkii maanta lagu jebiyay maleeshiyada, isla-markaana ay ka carareen sida uu yiri meydadkooda.

Taliyaha ayaa sheegay in Shabaabku ay fahamsan yihiin inaanay lahayn cudud ay ku istaajin karaan ciidamada, sidaasi daraadeedna uu hawlgalku sii socon doono.

“Koley waxay ila tahay inaysan nagu kadsoomeynin ciyaalka yaryar ee dareyska loo soo xiray.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo ku sugan jiidda Bacaadweyne.

General Gadaar ayaa sheegaya in ciidamadu ay cagta dhigi doonaan dhulka kasta, oo sida uu sheegay Shabaabku kaga sugan yihiin Koonfurta Gobolka Mudug.

Dhanka kale ciidamada ayaa kaabiga ku haya deegaanka Cammaara, oo la sheegay in ay isaga baxeen maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidamada oo Sabtidii la wareegay gacan ku haynta deegaanka Qodqod ayay wararku sheegayaan in ay gaareen afaafka hore ee Cammaara.

La wareegidda Cammaara ayaa muhiim u ah joogitaanka ciidamada ee deegaanada Bacaadweyne iyo Shabellow.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya inaanay ciidamadu hakan doonin, illaa iyo inta ay ka qabanayaan deegaano ay ka mid yihiin Caad, Jowle iyo Dhalwo.

Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa mar sii horreysay sheegay in ciidamadu ay sii socon doonaan, inta gobolka laga sifeynayo maleeshiyada Shabaabka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc