Home Wararka Maanta Ciidamada oo la wareegay gacan ku haynta deegaanka Cowsweyne

Ciidamada oo la wareegay gacan ku haynta deegaanka Cowsweyne

by Laacib

Wararka laga helayo Bariga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Cowsweyne ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay banneeyeen deegaankaasi, ka dib markii ciidamadu ay ku soo dhawaadeen deegaanka.

Cowsweyne oo hoostagga Degmada Galhareeri ayaa muhiim u ahaa maleeshiyadaasi, oo yoolkoodu ahaa in ay ka difaacaan Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Shabaabka ayaa difaac weyn ku lahaa deegaankaasi, waana deegaan qiimo u lahaa joogitaankooda Galhareeri iyo Ceelbuur.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabka isaga baxay Cowsweyne ay gaareen deegaanka Bargaan, oo hoostagga Degmada Galhareeri.

Ciidamada oo si taxadar badan uu ka muuqdo ku gaaray deegaankaasi ayaa hadda ka wada hawlgal ay amniga ku xaqiijinayaan.

Ciidamadan oo ka soo ruqaansaday Degmada Galcad ayaa muddo toddobaad ah ku safrayay waddada Galcad iyo Cowsweyne, iyagoona muddadaasi hawlgal sifeyn ah ka waday deegaanada iyo tuulooyinka u dhaxeeya labadaasi goobood.

Shabaabka ayaa Cowsweyne ka arriminayay muddo shan iyo toban sano ah, waana markii ugu horreysay oo ciidamadu ay gaaraan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc