Home Wararka Maanta Ciidamada oo lagu dhaqaajiyay deegaanka Bacaadweyne

Ciidamada oo lagu dhaqaajiyay deegaanka Bacaadweyne

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa saaka ku dhaqaaqay deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, si halkaasi uga saaraan maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidamada ayaa ka ruqaansaday deegaanka Laas-gacamey oo qiyaastii 14km u jirta Bacaadweyne, oo Shabaabku ay saldhig ciidan ku leeyihiin.

Wararka ayaa sheegaya in raaca hore ciidamada ay goor dambe oo xalay ahayd ka dhaqaaqeen deegaankaasi, raacooda dambena ay saaka ku baxeen waddadii ay ciidamadu qaadeen.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah qorshaha degsan ee la doonayo in kooxaha argagixisada lagaga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin Koonfurta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa shalay sheegay inaanu dagaalka istaagi doonin, illaa iyo inta argagixisada laga ciribtirayo deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay in maalmaha dhow ay shacabka Soomaaliyeed maqli doonaan guulo waaweyn oo laga gaaray Khawaarijta, sida uu yiri.

Shabaabka ayaa dareensan in culeys uu ka soo fuulay ciidamada faraha badan ee muddooyinkii ugu dambeysay lagu diyaarinayay gobolkaasi.

Waa culeyskii ugu weynaa ee ka soo wajaha dhanka Ciidamada Qalabka Sida iyo xoogaga deegaanka ee la abaabulay, ka dib in ka badan toban oo Shabaabku ka hawlgaliyeen gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc