Home Wararka Maanta Ciidamada oo soo afjaray Shabaabkii lagu hareereeyay Gobolka Shabellaha Dhexe

Ciidamada oo soo afjaray Shabaabkii lagu hareereeyay Gobolka Shabellaha Dhexe

by Laacib

Hawlgal adag ka dib Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ayaa soo afjaray maleeshiyada Al Shabaab, ee muddooyinkii ugu dambeysay ku go’doonsanaa beeraha Ciid Ciidka (Jimbilow) ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa guluf ballaaran ugu dhaqaaqay beeraha Ciid Ciidka oo ka tirsan deegaanka Cali Fooldheere, oo hoostagga Degmada Mahadaay, ka dib markii maleeshiyada Shabaabka ay difaac adag ka xirteen godad ay ka qoteen beerahaasi.

Marka aad milicsato godadka ay ka dagaalamayeen waa kuwo ay ka hoos qoteen geedaha la harsado ee ku dhex yaala dhul beereedkii ay ku sugnaayeen.

Mintidiinta Al Shabaab oo qaarka hoose la galay godadkaasi ayaa wax badan ku mintiday, sidii ay halkaasi u sii joogi lahaayeen, iyagoona miinooyin ku wareeyay waddooyinka loo maro godadkaasi, tanina waxay hawlgalkii lagu soo afjarayay ka dhigtay mid sii daba dheeraada.

Hawlgalkan oo ahaa mid maalin iyo habeenba leh ayaa keentay in ciidamadu ay isku fidiyaan aagaggii ay maleeshiyadu ka dagaalameysay, iyagoona goor dambe oo xalay ahayd soo afjaray hawlgalkaasi.

Shabaabka ayaa beeraha Ciid Ciidka uga baxay dhanka wadddada hawdka ee tagta Webiga Shabelle, taas oo ahayd midda qura ee u furneyd.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay kaga daba taggeen dhulka hawdka ee webiga jiinkiisa, oo mar labaad ay dagaal culus kaga saareen.

Ciidamadii is garabsanayay ayay caqabad badani ka qabsatay in si dhakhsa ah u soo afjaraan maleeshiyada, ka dib miinooyinkii la sheegay inay ku wareejiyeen godadkii ay qaarka hoose kula jireen.

Qaraxyo waaweyn ayaa shalay illaa caweyskii xalay laga maqlayay deegaankaasi, sababtuna tahay weerar dhanka cirka ah oo jiray iyo Shabaabka oo la sheegayo in miinooyinkii ay aaseen la beegsanayeen gaadiidka gaashaaman ee Ciidanka ATMIS oo gudaha u galay goobihii ay ka dagaalamayeen. Tani waxay fududeysay in raaca dambe ciidamadu ay si fudud ku gaaraan godadkaasi, Shabaabkuna ay noqdeen wax la dila iyo wax kaloo u firxada dhulka hawdka ee webiga.

Taliska Ciidanka ATMIS ayaa war uu soo saaray ku sheegay in Al Shabaab laga saaray kaymaha Cali Fooldheere.

Shabaabka ayaa bartamihii bishii September ka soo gudbay daanta galbeed ee webiga, iyadoo imaanshahooda dhanka bari ee webiga loo arkayay mid khatar amni ku ah deegaanada Hirshabelle.

Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/sare Faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin) oo Axaddii gaaray deegaankaasi ayaa Isniintii la wareegay doorka hoggaamineed ee hawlgalka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Korneyl Dayax Cabdi Cabdulle oo Talaadadii gaaray Ciid Ciidka ayaa ciidamada ku bogaadiyay in ay hawlgalka dardargeliyaan, soona afjaraan kooxaha argagixisada.

Shabaabka ayaa maalmo badan ku fara-adaygayay, sidii ay u siii joogi lahaayeen Ciid Ciidka iyo guud ahaanba deegaanka Cali Fooldheere, iyaga oo is tusay in uu yahay dhul ku wanaagsan gabaadka, kana soo qaadi karaan weeraradooda gaadmada ah.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dadaal badani ku bixiyay, sidii dib looga saari lahaa deegaankaasi, si aanay caqabad ugu noqon amniga iyo xasilloonida ee Degmooyinka Aadan Yabaal, Mahadaay iyo Jalalaqsan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc