Home Wararka Maanta Ciidamada oo ugu dambayn la wareegay deegaanka Wabxo oo fure u ah gulufka ku wajahan Ceelbuur

Ciidamada oo ugu dambayn la wareegay deegaanka Wabxo oo fure u ah gulufka ku wajahan Ceelbuur

by Laacib

Wararka ka imaanaya Bariga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay gelinkii dambe ee maanta la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Wabxo, oo qiyaastii 43km dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Ceelbuur.

Ciidamada ayaa maalmihii ugu dambeysay isku fidinayay dhulka hawdka ee u dhaxeeya deegaanada Ceelgorof iyo Wabxo, oo la sheegayo in amnigooda ay si weyn u xaqiijiyeen.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ay dhanka cirka ka garaaceen dhufeys weyn oo maleeshiyada Al Shabaab ku lahayd deegaankaasi.

Shabaabka ayaa Wabxo ku lahaa difaacooda hore, ee ay ka difaacayaan Magaalada Ceelbuur.

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay si buuxdo ula wareegeen Wabxo.

Guutada Cali Bin Abii Daalib iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa la soo sheegaya in hawlgal amni xaqiiin ah ka wadaan deegaankaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka deegaanka qaybtood ay horaan isaga barakaceen guryahooda, si aanay waxyeelo uga soo gaarin, haddiiba ay dhacdo in lagu dul dagaalamo.

Tani ayaa imaanaysa, xilli Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow uu maanta gaaray Degmada Galcad ee gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc