Home Wararka Maanta Ciidamada qabtay Ceelbuur oo u diyaarsan inay ka hortaggaan weerar la mid ah kii Cowsweyne

Ciidamada qabtay Ceelbuur oo u diyaarsan inay ka hortaggaan weerar la mid ah kii Cowsweyne

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Ceelbuur ee Bariga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay fariisimo ka sameysteen darafyada iyo gudaha magaaladaasi.

Ciidamada ayaa la sheegaya in dhowr goobood ka deggeen magaalada, si ay uga hortaggaan weerar la mid ah midkii maleeshiyada Al Shabaab ay Sabtidii ka gaysteen deegaanka Cowsweyne, oo 22-kii bishan laga saaray maleeshiyadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay hadda u muuqdaan kuwo gacan bir ah ku qabtay amniga magaalada, ka dib markii hawlgalo guri guri ah iyo miino baaris ay ka sameeyeen xaafadaha iyo waddooyinka magaaladaasi.

Magaaladu waxay kolkii horeba ahayd mid haawaneysa, iyadoo maleeshiyada Shabaabka lagu eedeeyay in dadka deegaanka ay ka barakiciyeen guryahooda, ka hor intii aanay magaaladaasi isaga bixin Jimcihii.

Saraakiisha Ciidamada ayaa dhawraya in maalmaha soo socda ay magaalada soo gaaraan ciidamadii ka soo baxay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee jihooyinka bari iyo koonfureed ka kulaalayay magaaladaasi.

Nuur Xasan Guutaale, Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur ayaa sheegay in mar kasta ay filayaan in Shabaabku soo weeraraan Ceelbuur, balse ay diyaar u yihiin in ay ka hortaggaan.

Gudoomiyaha ayaa tibaaxay inaanay wax baqdin ah ka qabin mid la mid ah weerarkii Cowsweyne, oo askari badani ay kaga dhinteen ciidamada iyo Shabaabkaba.

“Annaga awooddii aan awalba cadowga uga saarnay magaalada ayaan ku joognaa, waxa noo dhiman waa inaan hadda ka dib hawlgal ka sameyno meelaha ay jiraan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Waxa kaloo uu yiri “Weli maynaan bilaabin hawlgalada aan ku baacsanayno, weli waxaan ku jirnaa istiraatiijiyadihii kale aan magaalada ku xasillin lahayn, shacabkuna ugu soo laaban lahaa.”

Gudoomiye Guutaale ayaa yiri “Cabsi naguma jirto, laakiin inay na soo weerarayaan, waan ka filanaynaa, diyaaraana u nahay, annaguna inaan weerarno diyaaraa u nahay. Labadayaduba waa qoladii la hormarta weerarka, waxaana rajeynaya inaan annaga la hormari doono.”

Kolka ciidamada cusub gaaraan Ceelbuur ayaa lagu wadaa in hawlgalo sifeyn ah ka bilaabaan daanta galbeed ee magaalada, halkaas oo ay dhici karto in Shabaabku magaalada ka soo weeraraan, waana goobtii ay magaaladaasi uga baxeen, markii ciidamadu ay galabnimadii Jimcaha la wareegayeen.

Ciidamada ayay tahay in god kasta kaga daba galaan Shabaabka ku dhuumaaleysanaya duleedyada magaalada, si looga fogeeyo khatarta amni ee ay mustaqbal dhow ku noqon karaan magaaladaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta Ceelbuur, oo muddo dheer ay Shabaabku maamulayeen. Shabaab ayaana Ceelbuur ku lahaa xaruntooda ugu weyn ee Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc