Home Wararka Maanta Ciidamada SSC oo la wareegay Xerada Militariga Goojacadde (SAWIRRO)

Ciidamada SSC oo la wareegay Xerada Militariga Goojacadde (SAWIRRO)

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in ciidamada deegaanka ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta Xerada Militariga ee Goojacadde, ka dib dagaal culus oo maanta ka dhacay magaaladaasi.

Dagaalka ayaa saakay ka qarxay jiidda bari ee magaalada, gaar ahaan halka loo yaqaano Maraaga, oo dhacda waddada xiririisa Magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe.

Ciidamada SSC ayaa la sheegay inay bilowgiiba qabsadeen Maraaga, Jabka Qoriga iyo buuraha kale ee ku teedsan Dooxada Ooda-gooye, taas oo markii dambena sahashay in ay la wareegaan Xerada Goojacadde.

Xeradan ayaa ahayd tan ugu weyn ee ay Ciidanka Militariga Somaliland ku lahaayeen Gobolka Sool.

Ma cadda in Ciidanka Somaliland ay xeelad dagaal uga baxeen Xerada Goojacadde, iyadoona weli masuuliyiinta Somaliland aanay ka hadlin tallaabada looga la wareegay xeradaasi.

Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed, Afhayeenka Garaadada SSC ayaa sheegay in muddo ka dib lagu kala baxay dagaalkii ka socday nawaaxiga Magaalada Laascaanood.

“Maraaga iyo Goojacadde, haddii aad Warbaahinta in badan ka maqasheen waa laga kiciyay saakay, Ilaahay fadligiis, waana laga sifeeyay aaggaas.” Ayuu yiri Afhayeenka oo BBC la hadlay.

Afhayeenka ayaa qiray in dagaalka ay ciidamadoodu qaadeen, waxaana uu sababta ku sheegay “Magaalada qarkeeda ayay dadka ka soo leynayeen oo waxgaradka, culimada iyo dadka waaweyn ee magaalada ka bixi waayay ayay madfac ku dilayeen muddo fara-badan. Marka annagaa weerarnay, annagaana kicinay oo ka kaxeynay meesha.”

Waxa uu sheegay inay maxaabiis ka qabteen Ciidamada Somaliland, sidoo kalena ay gacanta ku hayaan tiro ka mid ah gaadiidkoodii dagaalka.

Mar la weydiiyay khasaaraha nafeed ee dagaalku gaystay ayaa waxa uu sheegay inay xilli hore tahay in hadda laga hadlo, bacdamaa aanay weli tiro koobin tirada dhimashada iyo dhaawaca, balse uu khasaare jiro, sida uu yiri.

Su’aal ahayd maxaabiista sidee dooneysaan inaad ula dhaqantaan oo la weydiiyay ayaa ciidamadiisa kula dardaarmay inay si wanaagsan ula dhaqmaan maxaabiista ay hayaan.

“Waxaan leenahay maxaabiista si fiican ha loola dhaqmo, siday ayagu noo la dhaqmi jireen, ula dhaqmi mayno, guushaan Ilaahay baa na siiyay. Sidaasi daraadeed maxaabiista si fiican ha loola dhaqmo, dhaawaca ha la daweeyo, meydka ha la xormeeyo oo hala xushmeeyo, si fiican ha loo duugo. Ma rabno in wax xadgudub ah dhaco, haba haraatee.” Ayuu yiri Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed, Afhayeenka Garaadada SSC.

Dad badani ayaa wax lama filaan ah ku tilmaamay in dagaal saacado yar socday gudahood Ciidanka Somaliland looga qabsadao laba talis oo muhiim ahaa, waa Maraaga iyo Goojacadde.

Labada dhinac ayaa tan iyo 6-dii bishii February ku dagaalamayay hareeraha Magaalada Laascaanood, taas oo dadkii deegaanka ku khasabtay in guryahooda isaga barakacaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc