Home Wararka Maanta Ciidamadii fashiliyay qaraxyadii Dhuusamareeb oo ballanqaad loo sameeyay

Ciidamadii fashiliyay qaraxyadii Dhuusamareeb oo ballanqaad loo sameeyay

by Laacib

Maamulka Magaalada Dhuusamareeb ayaa shaaciyay in la abaalmarin doono ciidamadii amniga ee saakay ka hortegay labadii qarax ee lala damacsanaa in dhibaato looga gaysto magaaladaasi.

Ciidamada ayaa duleedka magaalada ku fashiliyay laba gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo raggii kaxeynayayna ay u muuqdeen kuwa doonaya in bartilmaameed kaga gaystaan gudaha magaalada.

Duqa Dhuusamareeb, Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qarow) oo Warbaahinta kula hadlay mid ka mid ah goobihii qaraxyada lagu hakiyay ayaa sheegay in ciidamadu ka hortaggeen dhagartii ay damacsanaayeen maleeshiyada Al Shabaab.

“Waxaa saakay duulaan baabuur qaraxyo ah lagu soo hubeeyay ay Khawaarijta Al Shabaab ku soo qaadeen Caasimadda Dhuusamareeb.” Ayuu yiri Duqa Dhuusamareeb.

Duqa Dhuusamareeb ayaa yiri “Qaraxii koowaad ciidamada ammaanka ayaa halkan ku fashiliyay. Qaraxii koowaad gaari Cabdi Bile ah ayaa halkan loo dhigay, xabadna waa lala dhacay, meel uu maro markii uu waayay ayuu naftii halligihii meeshaan isku qarxay, meel bannaan oo magaalada 7km u jirto weeye. Meeshaas annaga wax nagu gaaray oo gaarigii Cabdi Bilaha ahaa oo loo dhigay qaraxa iyo ninkii darawalka ahaa oo gaarigaa waday oo dhaawac soo gaaray, wax aan ahayn ma jiraan. Dhagarqabihii 1aad meeshaas buu ku halaagsamay, Ilaahay baana ku mahadsan.”

Mar uu ka hadlayay sida loo fashiliyay qaraxii labaad ayuu yiri “Qaraxii labaad 10 daqiiqo ka dib ayay ciidamada amnigu fashiliyeen, gaadiid dagaal ayaana runtii laga la hortegay, dhashiike ayaa lala dhacay, uma suurtagelin howshii ay wadeen iyo inay xitaa Dhuusamareeb ku dhawaadaan, midna. Halkaas isna qaraxii labaad ayaa lagu fashiliyay, dhagarqabihii gaariga waday baa isna meeshaas ku halaagsamay.”

Duqa Dhuusamareeb ayaa sheegaya in mudnaantooda la siin doono ciidamada ku dhiiraday in qaraxyadaasi joojiyaan.

“Waxaan rabnaa halkan inaan uga mahadcelino ciidamada amniga, gaar ahaan Ciidanka Booliska iyo Nabad Sugidda oo runtii dhibaatadii ay nimankaasi wadeen, oo ay Caasimadda Dhuusamareeb, shacabka degan iyo dowladda joogta la damacsanaayeen uu Ilaahay (SWT) ayaga sabab uga dhigay in nimankaasi ay halkan ku halaagsamaan. Ciidamadaasi waan amaanaya, waan u mahadcelinaya, waana la abaalmarinaya, Insha’Allah, anigoo Dowladda Soomaaliyeed uga wakiil ah mudnaantooda ayay helayaan.” Ayuu yiri Duqa Dhuusamareeb.

Sidoo kale bulshada reer Dhuusamareeb ayuu kula dardaarmay “Ciidamadiina amniga waad arkaysaan shaqada ay idiin qabteen, haddii qaraxaasi suurtagal ay noqon lahayd in magaalada dhexdeeda uu taggo intuu dhibaato gaysan lahaa iyo intuu ummad halaagi lahaa, waana la ogyahay wixii Beledweyne ka dhacay. Marka ciidamadiinu waxay mudan yihiin inaad aad iyo aad ula shaqeysaan, uga mahadcelisaan, u soo dhaweysaan, una garab istaagtaan.”

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda labada qarax ee looga hortegay duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Qaraxyadan ayaa noqonaya kuwoodii ugu horreyay oo Shabaabku ka gaystaan Dhuusamareeb, tan iyo intii uu soo degay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhuusamareeb waxaa tan iyo 5-tii bishii August ku sugan Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo isagu juhdi badani ku bixinaya, sidii kooxaa argagixisada looga ciribtiri lahaa Gobolada Dhexe.

Shabaabka ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaya, sidii ay u fashilin lahaayeen gulufka ballaaran ee kaga furan deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc