Home Wararka Maanta Ciidamadii lagu diyaariyay Dhuusamareeb oo jihada bari kaga dhaqaaqay Ceelbuur

Ciidamadii lagu diyaariyay Dhuusamareeb oo jihada bari kaga dhaqaaqay Ceelbuur

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada toddobaadyadii ugu dambeysay lagu uruurinayay magaaladaasi ay jihada bari kaga dhaqaaqeen Magaalada Ceelbuur.

Ciidamada oo isugu jira Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee la abaabulay ayaa wata gaadiid fara-badan, oo isugu jira kuwa ciidamada lagu daabulo iyo kuwa kale ee dagaalka.

Ciidamadan oo loo dhameystiray saadka iyo sahayda ay u baahnaayeen ayaa waxaa duleedka magaalada ku sii sagootiyay Saraakiil ka tirsan Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo dhowr kun oo askari gaaraya ay hadda kulaalayaan deegaanka Ceel La helay, oo dhaca waddada xiriirisa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidamada ugu talagalay in ay maleeshiyada Al Shabaab ka sifeeyaan deegaanada iyo tuulooyinka ku teedsan Ceelbuur.

Ciidamadu waxay la hawlgalayaan ciidamada kale ee jihooyinka waqooyi iyo koonfureed kaga sii siqaya Magaalada Ceelbuur, waana ciidamada ka kala baxay Degmooyinka Maxaas iyo Guriceel ee ku wajahan deegaanada Wabxo, Jaaw iyo Burujeed, ayna tahay in Shabaabku ka suuliyaan deegaanada fogfog, sida miyiga iyo dhulka lama deggaanka ah, illaa iyo inta ay ka gaarayaan Magaalada Ceelbuur.

Ciidamada ayaan si dhakhsi ah ula wareegi doonin Ceelbuur, iyadoo aanay taako taako u xaqiijin goobaha lagu tuhmayo in Shabaabku ku dhuumaaleysan karaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa halkaasi kala socon doona gulufka lagu dhiig bixinayo Shabaab.

Madaxweynaha ayaa Galmudug u jooga, sidii xididada loogu siibi lahaa Shabaabka ka hawlgala Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Madaxda Qaranka iyo kuwa Galmudug ayaa rajo badani ka muujinaya hawlgalka culeyska weyn lagu saaray Shabaabka Bariga Gobolka Galgaduud.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc