Home Wararka Maanta Ciidamo ka socda Jabuuti oo ku soo wajahan dalka (SAWIRRO)

Ciidamo ka socda Jabuuti oo ku soo wajahan dalka (SAWIRRO)

by Laacib

Dowladda Jabuuti ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay ciidan cusub u soo dirto dalka Somaliya, iyagoo bedelaya ciidamadii horey uga joogay ee ka tirsanaa Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

Ciidamadan oo ah dufcaddii 11aad ee Hiil (Hiilwalaal) ayaa tababar loogu soo xiray Dugsiga Tababarka Militariga Maryam ee dalkaasi Jabuuti.

Ciidamadan oo tiradooda lagu sheegay 857 askari ayaa bedelaya Guutada 9aad ee Hiil ama Hiilwalaal ee fadhigoodu yahay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, oo dib ugu laabanaya dalkooda, ka dib muddo laba sano ah oo ay hawlgal u joogeen Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Ciidamada cusub oo munaasabad sagootin ah loogu sameeyay xeradaasi ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed Burhaan iyo Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida, General Sakariya Sheekh Ibraahim.

General Sakariya Sheekh Ibraahim, Taliyaha Ciidamada Jabuuti oo Caasimadda Djibouti ka soo ambabixiyay ciidamada cusub ayaa kula dardaarmay inay garab istaaggaan walaalahooda Soomaaliyeed.

“Ciidanka halkan jooga oo dufcaddii 11aad ah ayaa gurmad u ah dalka Somaliya, gurmad fiicana wuu ka dhaxeeyaa. Sharaf weyn bay noo tahay annaga inaan u gurmano walaalaheenna ay dhibaatada qabsatay. Somaliya gobanimo doonkii wax badan bay u soo qabatay Jabuuti.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa yiri “Somaliya gurmadkii ay noo gashay si Jabuuti ay u xorowdo, waxaan ku abaal gudnay inaan dhiigayna u shubno oo u daadino. Iyagu hadal, howl iyo adduunyo ayay na geliyeen si aan u xorowno, laakiin inagu waxaan uu bedelnay inaan dhiig u shubno oo xagaa aan ku dhimano. Iyaga iyo wax alla wixii gurmad la inooga baahdo saasaan u sameynaynaa, wadankeenana waan ku fara adkaanaynaa. Markaan dowladdeenna aan ku faanayno, markaan shacbigeenna aan ku faanayno, markaan dalkeenna aan ku faanayno, waxaa baan meel ku gaari karaynaa.”

“Waari mayside, war hakaa haro, kalmaddaa qaata. Waari mayside war hakaa haro waxaa ku hoos jira, war fiican hakaa haro.” Ayuu yiri Taliyaha oo intaasi ku daray “Maanta Somaliya way sare kacaysaaye, haloo duceeyo.”

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa bishii December ee sanadkii 2011 ciidamadii ugu horreyay u soo dirtay dalka, si Somaliya looga gacan siiyo howlaha sugidda amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab. Militariga Jabuuti ayaa ka mid noqday Hawlgalka Midowga Afrika oo markaasi la oran jiray AMISOM.

Dowladda Jabuuti ayaa xilligaasi ballanqaaday inay 900 oo askari ku taageeri doonto dadaalada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida ee Somaliya.

Waqtiga Hawlgalka ATMIS ee dalka ayaa ku eg 31-ka bisha December ee sanadkan, waxaase suurtagal ah in muddada loo kordhiyo, haddii Villa Somalia ay u aragto inaanan la gaarin, xilligii ay soo geba-gabeen lahaayeen joogitaankoodii dalka, taas oo looga tusaale qaadanayo inay weli Al Shabaab khatar amni ku tahay Somaliya iyo gobolkaba.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc