Home Wararka Maanta Ciidamo taabacsan Madaxtooyada Puntland oo la wareegay Xarunta Baarlamaanka

Ciidamo taabacsan Madaxtooyada Puntland oo la wareegay Xarunta Baarlamaanka

by Laacib

Ciidamadan oo ka amar qaata Madaxtooyada Puntland ayaa goor dambe oo xalay ahayd la wareegay Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe.

Ciidamadan oo u badan kuwa PMPF-ta ayaa waxaa lagu arkayaa waddooyinka soo gala Xarunta Baarlamaanka.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa isku khilaafsan nooca doorasho ee ka dhaceysa Puntland.

Madaxweynaha ayaa 6-dii bishan ku dhawaaqay in maamulku uu ka tanaasulay doorashadii qofka iyo codka ahayd, isagoona sheegay in doorashada ay ku laabaneyso nidaamkii hore ee wax lagu soo dooran jiray ee qabaa’ilada. Madaxweynaha ayaa xilligaasi beelaha ugu baaqay in ay soo xulaan Xildhibaanadooda.

Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa dhinacooda taageeray go’aankii isla 6-dii bisha ay soo saareen Odayaasha Dhaqanka ee la xiriiray Arrimaha Doorashooyinka Puntland. Odayaasha ayaana soo jeediyay in 8-da January la qabto Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, muddo kordhin hal sano ahna loo sameeyo Baarlamaanka 5aad Puntland ee hadda jira.

La wareegista ciidamada ee Xarunta Baarlamaanka ayaa imaanaysa, xilli shalay ay halkaasi booqdeen Saraakiisha Guddiga Amniga Doorashada, iyagoona Guddoonka Baarlamaanka u sheegay in ay la wareegi doonaan xaruntaasi, si ay ugu shaqeeyaan Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka ee Golaha Wakiilada, balse ay arrintaasi isku khilaafeen.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ka horyimid Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka, oo Madaxweyne Deni uu soo magacaabay 12-kii bishan December.

Mucaaradka ayaa horaan ka digay inaanu Madaxweyne Deni magacaabi karin guddi aan heshiis lagu ahayn.

Puntland ayaa waxaa billihii la soo dhaafay hareeyay khilaaf ka dhashay doorashada lagu wado in maamulkaasi ka qabsoomto.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc