Home Wararka Maanta Ciidanka ATMIS oo banneeyay xeradoodii Degmada Raage Ceelle (SAWIRRO)

Ciidanka ATMIS oo banneeyay xeradoodii Degmada Raage Ceelle (SAWIRRO)

by Laacib

Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa Arbacadii wareejiyay xerada ay ciidamadooda ku lahaayeen Degmada Raage Ceelle ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Saraakiil ka tirsan Hawlgalka ATMIS ayaa xeradaasi ku wareejiyay Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

War ka soo baxay Taliska ATMIS ayaa lagu sheegay in tani ay qayb ka tahay dib-u-habaynta ciidamada ee la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Taliska ATMIS ayaa bartamihii bishii September wareejiyay saldhigoodii deegaanka Biyacadde ee Gobolka Shabellaha Dhexe, tallaabadaas oo bilow u ahayd wejiga labaad ee qorshaha lagu yareynayo tirada Ciidanka ATMIS ee dalka ku sugan. Qorshahaasi oo ahaa in dhammaadkii bishaasi dalka laga saaro saddex kun oo askari ayaa dib loo dhigay, ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu codsaday in muddo saddex bilood ahi la hakiyo dhimista ciidamadaasi, waxaana codsigiisa taageeray Ururka Midowga Afrika iyo dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somaliya.

Madaxa Saadka ee ATMIS, Korneyl Jean Bosco Sibondavyi oo shalay ka hadlayay munaasabadda wareejinta ee saldhigga Raage Ceelle ayaa tilmaamay in wareejintan ay ahayd in la sameeyo bishii hore, balse dib loogu dhigay codsiga Dowladda Federaalka.

“Wareejintan waxay ahayd in la sameeyo bishii September, laakiin sida aad la wada socotaan, Dowladda Federaalka Somaliya waxay codsatay in la joojiyo farsamo ahaan dhimista ciidamada, taasoo Golaha Nabadda & Ammaanka Midowga Afrika uu isku raacay.” Ayuu yiri Korneyl Sibondavyi.

Sarkaalkan ayaa xusay in Ciidanka ATMIS ee banneeyay xeradaasi ay ka qayb qaadan doonaan hawlgalada maleeshiyada Shabaabka lagaga saarayo Dowlad Goboleedyada kale ee dalka, sidoo kalena ay gacan ka gaysan doonaan qorshaha lagu xasillinayo deegaaanada laga saaro maleeshiyadaasi.

Inkastoo Sarkaalkan uusan carab dhabin Dowlad Goboleedyadaasi, haddana Villa Somalia ayaa Arbacadii sheegtay in deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland uu ka bilaabanayo wejiga labaad ee hawlgalka dalka lagaga saarayo kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay gaaray Magaalada Baydhabo ayaa Koonfur Galbeed u tegay dardargelinta hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc