Home Dhacdooyin Ciidanka Hawlgalka Atalanta oo gacanta ku dhigay xubno ka tirsan kooxaha burcad badeedda Soomaalida

Ciidanka Hawlgalka Atalanta oo gacanta ku dhigay xubno ka tirsan kooxaha burcad badeedda Soomaalida

by Laacib

Ciidamada Badda Yurub ayaa gacanta ku dhigay lix nin oo si dhow loola xiriirinayo kooxaha burcad badeedda Soomaalida, ka dib markii la sheegay inay Gacanka Cadmeed ku weerareen markab ganacsi.

Burcad badeedda ayaa la sheegay inay rasaas ku furayn markabkan oo lagu magacaabo Chrystal Arctic, isla-markaana watay Calanka Jaziiradda Marshall.

Saraakiisha Ciidanka Badda ee Yurub ayaa sheegay in weerarkan oo Jimcihii dhacay ay u soo xireen lix nin, oo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxaha burcad badeedda.

Saraakiisha ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in weerarkaasi uu qayb ka yahay weerarada kooxaha burcad badeedda Soomaalida ee sii kordhayay billihii ugu dambeeyay.

Shirkadda Amniga Badda ee Britain (Ambrey) ayaa sheegtay in raggaasi oo la socday dooni nooca dheereysa ay wateen qoryo u eg AK47, baasuukayaal iyo jaranjaro.

Ciidanka Badda Ingiriiska oo qayb ka ah Ciidamada Badda Yurub ee ku sugan gobolka ayaa sheegay in raggan ay doonayeen in jaranjarada ay ku fuulaan markabka Chrystal Arctic oo waday shidaal.

Saraakiisha ayaa sheegay in ilaalo la socotay markabka ay rasaas ugu jawaabeen kooxahaasi, taasoo keentay in burcad badeedda ay dib uga istaaggaan qabsashada markabkaasi.

Saraakiisha ayaa laga soo xigtay inay arkayeen qiiq madow oo ka soo baxayay doonidii ay wateen kooxahaasi, ka gadaal markii ay gubatay fuusto shidaal oo doonida u saarneyd.

Saacado ka dib Ciidanka Badda ee Midowga Yurub ee Hawlgalka Atalanta (Operation Atalanta) ayaa soo qabtay burcad badeedda, si looga soo samatabixiyo doonidii gubaneysay. Saraakiisha ayaa sheegay in qaarkood ay dhaawacyo qabeen.

Ciidanka Badda Talyaaniga oo la socday markab dagaal oo lagu magacaabo Federico Martinengo ayaa gacanta ku soo dhigay burcad badeedda, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Hawlgalka Atalanta.

Weerarada kooxaha burcad badeedda ayaa la fahamsan yahay in sanadkan ay kordheen, taas oo walaac laga muujiyay.

Hay’adda Caalamiga ah ee Arrimaha Badaha ee International Maritime Bureau ayaa sheegtay inuu kordhay walaaca laga qabo in weerarada kooxaha burcad badeedda ay xoogeystaan.

Kooxaha burcad badeedda ayay weeraradooda meeshii ugu sarreysay gaartay sanadkii 2011, markaas oo la sheegay in ka badan 237 weerar inay ka gaysteen xeebaha iyo biyaha ka baxsan Somaliya. Burcad badeedda oo xilligaasi ku baahday xeebaha dalka ayaa la sheegay inay dunida uga baxday 7 bilyan oo dollar, iyadoo $160 milyan lagu bixiyay madax furashada maraakiibtii ay qabsadeen, sida a sheegtay Kooxda La socodka Burcad Badeedda ee Oceans Beyond Piracy.

Dadaalo heer caalami ah oo ay qayb ka ahaayeen Dowladda Soomaaliyeed iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka qaarkood ayaa si weyn u xakameeyay weeraradii kooxaha burcad badeedda.

Weerarada kooxaha burcad badeedda Soomaalida ayaa la sheegay inay dib u soo laba kacleeyeen, ka dib markii Xuuthiyiinta Yemen ay bilaabeen inay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ku weeraraan maraakiibta laga leeyahay Israel, inkastoo markii dambena ay weeraradooda ku ballaariyeen maraakiibta laga leeyahay dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska, taas oo jawaab u ah weerarada xagga cirka ee ay bishii January ka bilaabeen dalka Yemen, si ay u joojiyaan weerarada Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga.

Weerarada Xuuthiyiinta ayaa hoos u dhigay maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee isugu kala goosha Bab el-Mandeb, oo isku xira Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Inta badan shirkadaha maraakiibta ayaa isaga weecday isticmaalka marin biyoodka Badda Cas illaa Kanaalka Suweys, markii Saraakiisha Xuuthiyiinta ay bilowgii sanadkan ku hanjabeen in ay kordhin doonaan weerarada ay ku garab taagan yihiin shacabka Falastiiniyiinta ee ay Ciidamada Israel ku leynayaan Marinka Gaza.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al-Houthi ayaa marar badan sheegay in weeraradooda maraakiibta ay soo afjari doonaan, kolka reer galbeedka ay soo afjaraan duulaanka Israel ee Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc