Home Wararka Maanta Ciidanka Ilaalada Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Ciidanka Ilaalada Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusmareeb ayaa sheegaya in Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Qaranka ee Koofi Casta ay maanta gaareen magaaladaasi.

Ciidamadan ayaa waxaa horkacaya Saraakiisha Ilaalada Gaarka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaa oo barqanimadii maanta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta gaaray magaaladaasi, oo si weyn amnigeeda loo adkeeyay.

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa maalintii labaad ku sugan Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in Jimcaha ama Sabtida uu midkood gaaro Magaalada Dhuusamareeb, haddii aanu qorshihiisu waxba iska bedelin.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in Dhuusamareeb uu kula kulmo qaybaha bulshada iyo Hoggaanka Dhaqanka ee qabaa’ilada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu halkaasi kaga dhawaaqi doono wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa haatan Gobolada Dhexe ka wada abaabul dagaal oo la doonayo in kooxaha nabadiidka lagaga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin bartamaha dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc