Home Wararka Caalamka Ciidanka Israel oo hawlgal ballaaran ka wada Daanta Galbeed (SAWIRRO)

Ciidanka Israel oo hawlgal ballaaran ka wada Daanta Galbeed (SAWIRRO)

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa maanta ciidan xoog leh soo geliyay Magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto, iyagoona xerada qaxootiga Jenin ka wada hawlgal ballaaran oo sida ay sheegeen lagu bartilmaameedsanayo kooxaha Falastiiniyiinta ee hubeysan.

Waa mid ka mida hawlgaladii ugu ballaarnaa ee Israeliyiintu ka sameeyaan dhulka la haysto, oo ay ka qayb qaadanayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, helicoptero iyo ciidan dhulka ah.

Tobanaan ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee Militariga Israel ayaa isku gadaamay xeradaas, iyadoona diyaaradaha dagaalka Israel ay duqayn xoogan ka wadaan, tan iyo subaxnimadii Isniinta.

Waxa kaloo la sheegay in dhammaan waddooyinka soo gala xeradaasi ay ku jareen cagafyo.

Xoogaga wax iska caabinta ee Falastiiniyiinta ayaa la sheegay in meelaha qaarkood ay iska caabin kala hortaggeen Militariga Israel, lana maqlayay qaraxyo waaweyn.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in ugu yaraan sideed qof lagu dilay weerarka, tobanaan kalena lagu dhaawacay.

Taliska Militariga Israel ayaa bayaan ku sheegay in la beegsaday xarun ay si wadajira uga hawlgalaan garabyada hubeysan ee Falastiiniyiinta.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in hawlgalka lagu dilay toddobo ka mid ah waxa ay ku sheegeen kooxaha argagixisada, sidoo kalena ay gacanta ku soo dhigeen ku dhawaad labaatan kale oo Falastiiniyiin ah, kuwaa oo sida ay sheegeen la doon-doonayay.

Maamulka Israel ayaa la fahamsan yahay in ay la yaab ku noqotay qarax bartamihii bishii hore ee June lagu dhaawacay toddobo ka mid ah Ciidanka Israel, xilli ay hawlgal ka wadeen xeradaasi. Qaraxa ayaa ahaa miino waddada dhinaceeda lagu aasay oo lala eegtay gaari ay wateen ciidamadooda, waana dhacdadii ugu horreysay ee ceynkeeda ah oo laga soo wariyo xerada qaxootiga iyo Daanta Galbeed ee la haysto muddo ku dhow 20 sano, taas oo keentay in Israeliyiintu ay maanta weerar saf ballaaran ku qaadaan xeradaasi.

Raysal Wasaaraha Falastiin, Mohammad Shtayyeh ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Jenin, isagoona sheegay in Israel aanay wax ammaan ahi ku heli doonin weeraradeeda gardarada.

Raysal Wasaare Shtayyeh ayaa codsaday taageero caalami ah, si loo joojiyo duulaanka qaawan ee Isreal.

Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Falastiin, Mahmoud Abbas ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inaanay intaan ka dib ka sii aamusnaan falalka guracan ee Israel, isla-markaana ay qaadaan tallaabo ay ku jebinayaan aamusnaantoodaasi muddada dheer.

“Waxa ay xukuumadda gumeysiga Israel ka sameynayso Magaalada Jenin iyo xeradeeda waa dembi dagaal oo cusub oo ka dhan ah dadkeenna aan is difaaci karin.” Ayuu yiri Nabil Abu Rudeineh.

Rudeineh ayaa yiri “Shacabka reer Falastiin ma is dhiibi doonaan, mana taagi doonaan calanka cad, balse waxay ku sii adkeysan doonaan dhulkooda, iyaga oo ka hortagaya gardaradan arxandarada ah, illaa laga guuleysto gumeysiga oo xoriyadda laga helayo.”

Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, Jordan iyo Masar ayaa cambaareeyay weerarkaasi.

Ciidanka Israel ayaa caawa qofkii sagaalaad ku dilay meel ku dhow Magaalada Ramallah oo sidoo kale ka tirsan Daanta Galbeed ee Israel xoogga ku haysato.

Safiirka Falastiin ee Jaamacadda Carabta, Diab al-Louh ayaa ku baaqay kulan degdeg ah oo Talaadada laga yeesho xaaladda ka soo korortay Daanta Galbeed, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Falastiin ee Wafa.

Xiisadda labada dhinac ayaa cirka isku shareertay dhowrkii toddobaad ee ugu dambeysay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc