Home Wararka Maanta Ciidanka Israel oo isaga baxay Magaalada Jenin, Netanyahu ayaa mar kale hanjabay

Ciidanka Israel oo isaga baxay Magaalada Jenin, Netanyahu ayaa mar kale hanjabay

by Laacib

Ciidanka Militariga Israel ayaa xalay isaga baxay xerada qaxootiga Jenin ee Daanta Galbeed ee Israel xoogga ku haysato, ka dib hawlgal socday laba maalmood.

Hawlgalka ayay Israeliyiintu sheegeen in lagu bartilmaameedsanayay kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta, oo sida ay sheegeen muddooyinkii ugu dambeysay ku soo xoogeysanayay xeradaasi.

Hawlgalkan oo ahaa mid cir iyo dhulba leh ayaa burbur xoogan loogu gaystay dhismayaasha xerada. Goobaha ay hawlgalada ka sameeyeen Ciidanka Israel ayaa waxaa ka muuqanaya guryo la dumiyay iyo waddooyin burbursan.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo ka hadlay ka bixitaanka ciidamadiisa ee Jenin ayaa sheegay in hawlgalku uu sii socon doono.

“Waxaanu dhihi karnaa hawlgalka ballaaran ee aynu ka wadnay Jenin ma ahan mid halmar ah, waanu sii wadaynaa inta ay lagama maarmaan noqoneyso amaba aanu ka soo afjarayno argagixisada.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Israel.

Netanyahu ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Ma ogolaan doono in Jenin ay ku soo noqoto magaalo gabaad u ah argagixisada, meel kasta oo aynu ku aragnana waanu ku jebin doonnaa, kuna weerari doonnaa argagixisada.”

Illaa 12 qof oo Falastiiniyiin ah iyo askari ka tirsan Ciidanka Difaaca Israel ayaa ku dhintay hawlgalka ay Ciidanka Israel gudaha ugu galeen xeradaasi.

Kumanaan qof oo Falastiiniyiin ah oo ku barakacay weerarkaasi ayaa hadda bilaabay in ay guryahooda dib ugu soo laabtaan.

Dhanka kale Militariga Israel ayaa xalay duqaymo ka gaystay Marinka Gaza, iyaga oo ka jawaabaya sida ay sheegeen gantaalo lagaga soo tuuray dhulka xeebaha ee Falastiiniyiinta.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay duqeeyeen goob ay leeyihiin Xoogaga Xamaas oo ku taala Waqooyiga Gaza, inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujisay xiisadda sii kordheysa ee ka soo cusboonaatay Bariga Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc