Home Wararka Maanta Ciidan ku wajahnaa Gobolada Dhexe oo weerar culus la kulmay

Ciidan ku wajahnaa Gobolada Dhexe oo weerar culus la kulmay

by Laacib

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidan ka wada tirsan kuwa Xoogga Dalka uu xalay dagaal culus ku dhex maray deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka oo duleedka deegaankaasi ku leh barro kontorool oo laga ilaaliyo amniga Masaajid Cali Gaduud ay isku dhaceen ciidan ka soo ruqaansaday Xerada Militariga Maslax ee duleedka Magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in labada ciidan ay kala shakiyeen, isla-markaana ay keentay in dagaal culus uu ku dhex maro deegaankaasi.

Labada dhinac ayaa la sheegay in muddo hal saac ka badan ay ku wada dagaalamayeen deegaankaasi, oo 30-kii bishii October laga saaray maleeshiyada Al Shabaab, ka dib in ka badan 10 sano oo ay ka arriminayeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Saraakiil ka tirsan Guutada 4aad, Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ay saqdii dhexe ee xalay kala dhex galeen labada ciidan.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in muddadii uu dagaalku socday ay ciidamadu isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, dagaalkana ay qayb ka ahaayeen gaadiidka dagaalka.

Saraakiisha Ciidamada Militariga ayaan weli ka hadlin dagaalka ciidamada ku dhex maray deegaankaasi iyo khasaaraha nafeed ee uu gaystay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen lix askari, oo uu ku jiro Taliyihii Ururka 2aad, Guutada 25aad ee Cumar Binu Khadaab, Captain Maxamed Axmed Abshir Nuure.

Ciidamadan oo ah kuwo cusub ayaa dhawaan dib ugu soo laabtay dalka, ka dib markii ay tababar ku soo qaateen dalka Masar.

Illaa toban askari oo dagaalka ku dhaawacmay ayaa la sheegay in dhaawacooda loo qaaday dhanka Magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa imaanaya, iyadoo deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle ay ka socdaan dhaqdhaqaaq ciidan oo loogu diyaargaroobayo wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, waana xilli ciidamadu ay si weyn uga feejigan yihiin weerarada maleeshiyadaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc