Home Wararka Maanta Ciidanka NISA oo duleedka Muqdisho ku toogtay nin kaxeynayay gaari lagu soo raray walxaha qarxa

Ciidanka NISA oo duleedka Muqdisho ku toogtay nin kaxeynayay gaari lagu soo raray walxaha qarxa

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidanka Hay’adda NISA ay deegaanka Ceelasha Biyaha ku dileen nin la socday gaari lagu soo raray walxaha qarxa.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in Ciidanka NISA ay ku guuleysteen inay toogasho ku dilaan ninkaasi, oo sida ay tebisay ay ku daba joogeen.

Warbaahinta ayaa sheegtay in ciidamadu ay la wareegeen gaarigii lagu soo raray walxaha qarxa, oo ay sheegtay in la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Qoraal lagu daabacay barta Hay’adda NISA ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in Ciidanka NISA ee ku sugan Deegaanka Ceelasha Biyaha ay gacanta ku dhigeen gaarigaasi, ka dib markii ay toogteen ninkii kaxeynayay.

“Ciidankayaga gaarka ee ku sugan deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa gacanta ku dhigay gaari siday walxaha qarxa, waxaana ay dileen darawalkii kaxeynayay, ka dib markii uu isku dayay inuu baxsado. NISA waxaa ka go’an ka hortagga iyo fashilinta dhammaan qorsheyaasha ay argagixisadu ku dhibaateynayaan shacabka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska NISA iyo Warbaahinta Qaranka midna ma sheegin halka uu gaarigu ka yimid iyo goobta uu bartilmaameedku ahaa, marka laga soo taggo in qaraxa la doonaayay in lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed.

Gaarigan oo noociisu uu Probox ahaa ayay ciidamadu ka dejiyeen qaraxyadii lagu soo raray, sida laga arki karay tiro sawirran ah oo dadka lagu la wadaagay barraha bulshada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc