Home Wararka Maanta Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay dooni, hub iyo raggii waday (SAWIRRO)

Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay dooni, hub iyo raggii waday (SAWIRRO)

by Laacib

Ciidanka Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay dooni hub siday iyo saddex nin oo sida la sheegay la socday doonidaasi.

Ciidanka oo hawlgalo ka sameeyay deegaanada Dhurbo, Biyo Kulule iyo God-deexeed ayaa gacanta ku soo dhigay doonida, hubka iyo raggii waday.

Taliyaha Qaybta Booliska Raas Caseyr, G/sare Fu’aad Maxamuud Garab Yare ayaa sheegay in ay hayeen xogta doonida, isla-markaana ay u diyaargaroobeen, sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

Taliye Fu’aad ayaa cid kasta uga digay in ay ka fogaadaan falalka sharci darada ah, isagoona xusay in ay sii wadi doonaan hawlgalada.

Raggan ayaa lala xiriirinaya kooxaha burcad badeedda ee dib uga soo laba kacleeyay deegaanada xeebaha ee Puntland.

Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda Puntland, Axmed Yaasiin Saalax ayaa dhawaan sheegay in kooxaha burcad badeedda ay dib u soo celiyeen weeraradoodii maraakiibta.

“Toddobaadyadii ugu dambeeyay waxaa soo rogaalceliyay fal dembiyeedyadii burcad badeeddu ay ku weerarayeen marin biyoodka Gacanka Cadmeed iyo marin biyoodka Indian Ocean oo dhanka Xeebaha Puntland oo dhirarkoodu yahay 1600km inay dadka iska abaabuleen.” Ayuu yiri Wasiirka.

14-kii Bishii December, kooxaha burcad badeedda ayaa gacanta ku dhigay markab nooca xamuulka oo watay Calanka Malta, laguna magacaabo MV RUEN, kaas oo laga afduubay meel u dhow Badda Carabta.

Markabka oo ay la socdeen 18 shaqaale ayay kooxaha burcad badeedda ku haystaan meel u dhow deegaanka Bayla oo lagu magacaabo Durdura, sida uu xaqiijiyay Wasiir Saalax.

Durdura ayaa qiyaastii 250km dhanka bari kaga beegan Magaalada Boosaaso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc