Home Wararka Maanta Ciidanka Uganda oo dad isku qoys ahaa ku laayay Gobolka Shabellaha Hoose

Ciidanka Uganda oo dad isku qoys ahaa ku laayay Gobolka Shabellaha Hoose

by Laacib

Ciidanka Militariga Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa gelinkii dambe ee maanta dad isku qoys ahaa ku laayay Gobolka Shabellaha Hoose.

Tani ayaa ka dambeysay, ka dib markii Ciidanka Uganda ee saldhigga ku leh deegaanka Ambareeso ee duleedka Degmada Baraawe ay madaafiic ku garaaceen deegaanka Mudul Baraawe, oo Degmada Baraawe kaga beegan dhanka Degmada Sablaale.

Mid ka mida madaafiicdaasi ayaa ku habsaday guri ay dadka rayid ah deganaayeen, iyadoona ay goobtaasi ku geeriyoodeen lix carruur ah oo wada dhalatay, mid kalena uu ku dhaawacmay.

Wax badan lagama oga sababta ka dambeysa in Ciidanka Uganda ay madaafiic ku harqiyaan deegaankaasi, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in lagu arkay xubno ka tirsan mintidiinta Al Shabaab.

Jimcihii ayay ahayd markii maleeshiyada Shabaabka ay weerar xoogan ku galeen xeradii ay Ciidanka Uganda ku lahaayeen deegaanka Buulo Mareer ee gobolkaasi.

Ciidanka ATMIS oo Dowladda Federaalka ka taageera howlaha sugidda amniga iyo la dagaalanka Shabaabka ayaa xilliyada ku kaca gabood-falo ka dhan ah dadka rayidka, tiiyoo aanay jirin cid kula xisaabtanta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc