Home Dhacdooyin Ciidanka Xasillinta oo Muqdisho ku qabtay hubkii ugu badnaa (SAWIRRO)

Ciidanka Xasillinta oo Muqdisho ku qabtay hubkii ugu badnaa (SAWIRRO)

by Laacib

Ciidanka Xasillinta Magaalada Muqdisho ayaa maanta Suuqa Bakaaraha ee Degmada Howladaag ku qabtay gaari siday hub iyo bambooyinka nooca gacanta laga tuuro.

Ciidanka oo sidoo kale gacanta ku soo dhigay darawalkii gaariga waday ayaa ula dhaqaaqay xarumahooda magaalada, kaas oo baaritaano ka dib ciidamada u far muuqay guri ku yaala Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan, oo uu hub u yaalo maleeshiyada Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Gobolka Banaadir, Muxyadiin Geeddi Shadoor iyo ciidamo uu horkacayo oo gurigaasi tegay ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan hubkaasi.

Ciidamada ayaa gurigaasi ka soo qabtay hub isugu jira qoryaha fudud, gumaca qoriga sabanka/baasuukaha, bambaanooyin iyo weliba rasaas fara-badan. Sidoo kale hawlgalkaasi ayay ku soo qabteen daraasiin ka mid ah tuutaha ciidamada.

Ciidamada ayaa goor dambe soo bandhigay qayb ka mid ah noocyadii kala duwanaa ee hubkii ay maanta gacanta ku soo dhigeen.

Inkastoo Saraakiisha Ciidamada aanay weli wax faah faahin ah ka bixin hawlgalkaasi, haddana Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in ciidamadu ay hubkaasi iyo xubnihii lala soo qabtayba ku wareejin doonaan hay’adaha sharciga, si xubnahaasi ay caddaaladda u wajahaan.

Waa hubkii ugu badnaa ee ay Ciidanka Xasillinta gacanta ku soo dhigaan, tan iyo markii nabadgelyada Caasimadda Muqdisho lagu wareejiyay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc