Home Wararka Maanta Ciidanka Xoogga Dalka oo gudaha u galay Magaalada Ceelbuur

Ciidanka Xoogga Dalka oo gudaha u galay Magaalada Ceelbuur

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa galabta gudaha u galay Magaalada Ceelbuur ee Bariga Gobolka Galgaduud.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa la sheegaya in magaalada isaga baxeen, ka dib markii ciidamadu ay dhanka waqooyi ka soo galeen.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qoraal uu soo saaray lagu sheegay in ciidamadu ay la wareegeen Ceelbuur, haddana ay hawlgal ka wadaan.

Ciidamada ayaa Salaaddii Jimcaha ka dib gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu la weeraray deegaanka Ari-dudis, oo illaa 8km u jirta Magaalada Ceelbuur.

Ciidamadan gudaha u galay magaalada ayaa ah kuwii Isniintii la wareegay deegaanka Wabxo, Khamiistiina ka soo ruqaansaday deeegaanka Dac.

Ciidanka Kumaandooska Danab iyo Guutada Cali bin Abii Daalib ayaa gudaha ugu jira magaalada, iyadoona qaybo kale oo ciidamada ka mid ah ay ku daadsan yihiin deegaanada hoostagga magaaalda, oo ay ka wadaan hawlgalo sifeyn iyo amni xaqiijin ah.

Ciidamada kale ee magaalada kaga soo socda dhanka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa hawlgal saf ballaaran ah ka wado dhulka miyiga iyo kaymaha ee ku teedsan magaaladaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa mar la wareegay Magaalada Ceelbuur sanadkii 2014, inkastoo ay dib u soo banneeyeen sanadkii 2017.

Ceelbuur waxay hadda ahayd xarunta ugu weyn ee ay maleeshiyada Shabaabka ku lahaayeen Gobolada Dhexe.

Dowladda Federaalka ayay ahmiyad weyn u leedahay in Shabaabka si buuxdo looga sifeeyo Ceelbuur iyo deegaanada hoostagga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Dhuusamareeb u jooga hawlgalka ballaaran ee Al Shabaab lagaga saarayo deegaanada Galmudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc