Home Wararka Maanta Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgalo ka bilaabay bariga Gobolka Galgaduud

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgalo ka bilaabay bariga Gobolka Galgaduud

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya xoogaga deegaanka ayaa hawlgalo ka bilaabay deegaanada dhaca bariga Gobolka Galgaduud, iyadoona uu qorshuhu yahay in ciidamadu ay qabtaan Magaalada Ceelbuur.

Ciidamada ayaa hawlgaladoodan ka wada inta u dhaxeyso Degmooyinka Galcad, Ceeldheer illaa soona Cowsweyne, oo maleeshiyada Al Shabaab ay ku xoogan yihiin.

Ciidamada ayaa la sheegay inay maanta burburiyeen fariisimo ay maleeshiyada Shabaabka ku lahaayeen tuulooyinka Geerile, Indha-kuus iyo Xuseen Cagey, oo ka mid ah tuulooyinka ay maleeshiyadaasi weerarada ka soo abaabulaan.

Hawlgaladan ayaa waxaa horkacaya Ciidanka Kumaandooska Gorgor, iyadoona ciidamadu ay ku sii siqayaan deegaanka Cowsweyne.

Abaanduulaha Guutada 17aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Cumar Xasan Diini (Cumar Deeq) ayaa Cowsweyne ku qeexay difaaca ugu weyn, ee ay Shabaabka ka difaacayaan Ceelbuur.

“Cowsweyne waa meel Shabaab istiraatiiji u ah, waxaana la dhihi karaa waa meesha ay ka difaacayaan Ceelbuur iyo meelaha yaryarka ah ay ku harsan yihiin, waana meesha ay dhibaatooyinka Galgaduud iyo Shabellaha Dhexe ay ka soo maleygaan.” Ayuu yiri Abaanduulaha.

Abaanduulaha ayaa hoosta ka xariiqay inay ogyihiin in Cowsweyne ay tahay goobta ay mintidiintu ka soo abaabulaan gaadiidka lagu soo raro walxaha qarxa, isla-markaana ay taggi doonaan.

“Waxaan kaloo ognahay in meesha baabuurta qaraxyada iyo dhagaraha asalka u ah inay tahay, masaafo ahaan hadda waa noo dhowdahay, waana tagaynaa.” Ayuu yiri Abaanduulaha oo la hadlay Warbaahinta Dowladda.

Abaanduulaha ayaa ku goodiyay inaanu joogsan doonin hawlgalka ka bilowday gobolka, illaa iyo inta kooxaha argagixisada laga saarayo gobolkaasi.

Ceelbuur waa magaalada ugu muhiimsan ee ay haatan Shabaabku ka maamulaan Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc