Home Wararka Maanta Ciidanka Xoogga Dalka oo hujuumaya Ceelgaras

Ciidanka Xoogga Dalka oo hujuumaya Ceelgaras

by Laacib

Wararka ka imaanaya Bariga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay ku sii jeedaan deegaanka Ceelgaras, oo hoostagga Magaalada Ceelbuur.

Ciidamada ayaa la sheegaya in ay hawlgal ka wadaan waddada u dhaxeyso deegaanada Bulacle iyo Ceelgaras, oo ku yaala waddada xiriirisa Magaalooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay si feejignaan leh ugu socdaan waddadaasi, iyagoona isku dayaya in ay waddada ka sifeeyaan maleeshiyada Al Shabaab.

Ceelgaras oo ku taala goob istiraatiiji ah ayaa xiriirisa Ceelbuur, Qaayib iyo Xiindheere, iyadoona inta u dhaxeyso ay ku xoogan yihiin maleeshiyada Shabaabka.

Ceelgaras ayaa la fahamsan yahay in ay Shabaabku ku leeyihiin difaacooda bari, ee ay ka difaacayaan Magaalada Ceelbuur.

Ciidamadan ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Guutada 6aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga, Dalka General Aadan Abshir Nuure (Laba Afle), kaas oo ay hawlgalka ku wehlinayaan masuuliyiin ay ka mid yihiin Senator Cabdixakiin Macalin Axmed, oo ka mid ah Senatorada Golaha Aqalka Sare ee laga soo doorto Galmudug iyo Duqa Dhuusamareeb, Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qarow).

Senator Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa hawlgalka ku sheegay mid maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo deegaanada Galmudug.

“Abaabulka iyo qorshaha socda waxaa weeyaan waa qorshe ka dhan ah cadowga iyo sidii dalka looga xoreyn lahaa, gaar ahaan Galmudug meel walboo ay ka joogaan.” Ayuu yiri Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo Warbaahinta kula hadlay furimaha hore.

Qorshaha ayaa ah in ciidamadu ay xaqiijiyaan amniga deegaanada hoostagga Magaalada Ceelbuur.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc