Home Wararka Maanta Ciidanka Xoogga Dalka oo jiho cusub uga dhaqaaqay Ceelbuur

Ciidanka Xoogga Dalka oo jiho cusub uga dhaqaaqay Ceelbuur

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa jihada waqooyi uga dhaqaaqay Magaalada Ceelbuur, iyagoo la hawlgalaya ciidamada kale ee jihooyinka bari iyo koonfureed kaga sii siqaya magaaladaasi.

Ciidamadan oo Isniintii ka qalab qaatay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa cagta saaray waddada aadda deegaanka Wabxo, oo qiyaastii 43km u jirta Ceelbuur.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay hadda masaafo yar u jiraan deegaanka Ceelgorof, oo ku dhow Wabxo.

Ciidamadan ayaa waxaa horkacaya Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, Taliyaha Guutada Cali Bin Abii Daalib ee Xoogga Dalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada la faray in ay si buuxdo isugu furaan waddada xiriirisa Magaalooyinka Maxaas iyo Ceelbuur.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Abshir Cabdi Shiiqow ayaa sheegay inaanan dib loogu laaban doonin Ceelbuur, iyadoo aan Al Shabaab laga kicin deegaanada ku teedsan.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadu ay si garbo siman isugu fidinayaan deegaanada, tuulooyinka iyo dhulka hawdka, si looga sifeeyo sida uu yiri cadowga.

Wasiir Shiiqow oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka dhawaajiyay in muddada ka harsan bishan September lagu soo afjari doono Shabaabka Galmudug.

Shabaabka ayaa mar kale wajahaya guluf ballaaran oo dhul iyo cirba leh.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc