Home Wararka Maanta Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay deegaan muhiim u ahaa Shabaabka Gobolka Galgaduud

Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay deegaan muhiim u ahaa Shabaabka Gobolka Galgaduud

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya xoogaga deegaanka ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta deegaanka Jaaw ee Gobolka Galgaduud.

Deegaankan oo 50km dhinaca koonfureed kaga beegan Magaalada Guriceel ayaa waxaa muddo dheer ka arriminayay maleeshiyada Al Shabaab, waana mid ka mida deegaanada ugu waaweyn ee maleeshiyadu kaga harsan tahay gobolkaasi.

Jaaw waa deegaan istiraatiiji ah oo xiriiriya Magaalooyinka Ceelbuur iyo Guriceel. Hawlgalka lagu qabtay ayaa qayb ka ah qorshaha ay ciidamada ku xaqiijinayaan amniga deegaanada iyo tuulooyinka hoostagga Magaalada Ceelbuur, ka hor inta aanay la wareegin magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaabka ay isaga baxeen deegaankaasi, ka hor intii aanay ciidamadu gudaha u soo gelin.

Korneyl Cabdullaahi Cabdi Raage oo ka tirsan Saraakiisha Guutada 15aad, Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hoggaaminayay ciidamada la wareegay deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay ku sii jeedaan deegaanka Burujeed oo qiyaastii 20km u jira deegaanka Jaaw.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qorshuhu yahay in ciidamadu ay isku fidiyaan dhulka u dhaxeeya deegaanadaasi, ayna tahay in geed geed u xaqiijiyaan amnigooda.

Ciidamadan ayaa barbar socda ciidamada kale ee jihooyinka bari iyo waqooyi kaga sii siqaya Magaalada Ceelbuur.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ahmiyad weyn siinaya gulufka lagu xoreynayo Ceelbuur, laguna xaqiijinayo amniga deegaanada iyo tuulooyinka ku teedsan magaaladaasi, si Shaaabku aanay hadhow caqabad amni ugu noqon magaalada iyo goobaha ka baxsan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc