Home Wararka Maanta Ciidanka Xoogga Dalka oo soo banneeyey goobo laga saaray Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka oo soo banneeyey goobo laga saaray Shabaab

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa soo banneeyey degmooyin iyo deegaano ay horaan ka saareen maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidamada ayaa Isniintii dib uga soo gurtay Degmooyinka Galcad iyo Ceeldheer ee bartamaha dalka, taas oo Al Shabaab ka caawisay in dib ula wareegaan maleeshiyadeeda.

Sidoo kale ciidamada ayaa soo banneeyay deegaanada Wabxo, Budbud iyo Masagawaa ee Gobolka Galgaduud ee Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaabka ay si buuxdo dib ugu la wareegeen degmooyinka iyo deegaanada ay ciidamadu ka gurteen.

Ciidamada ayaa muddooyin kala dambeysay bilaa dagaal kula wareegay goobahaasi, inkastoo ay weeraro dhiig bixin ah la kulmeen, intii ay ku sii socdeeen.

Ma cadda ujeedada ka dambeysa ka bixitaanka ciidamada ee degmooyinka iyo deegaanada muhiimka u ahaa gulufka kooxaha argagixisada lagaga saarayo dhulka Galmudug.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, Taliyaha Guutada Cali Bin Abii Daalib ee Xoogga Dalka ayaa mar sii horreysay sheegay in istiraatiijiyad darteed goobaha qaarkood dib looga soo guran karo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii Axadda sheegay in ay ciidamada ku wada fidi doonaan goobaha ay weli gacanta ku hayaan Shabaabka.

Bulshada qaybteed ayaa wax la yaab leh ku tilmaamtay dib u gurashada ay ciidamadu ka sameynayaan dhulkii dhawaan la gaaray.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc