Home Wararka Caalamka CPJ oo shaacisay tirada Saxafiyiinta ee lagu dilay colaadda ka taagan Bariga Dhexe

CPJ oo shaacisay tirada Saxafiyiinta ee lagu dilay colaadda ka taagan Bariga Dhexe

by Laacib

Guddiga Diraaca Saxafiyiinta ee CPJ ayaa sheegay in tirada Saxafiyiinta iyo Shaqaalaha Warbaahinta ee la dilay ay korortay, tan iyo markii ay colaadda dib uga soo dhex cusboonaatay Israel iyo Falastiiniyiinta.

Guddiga ayaa sheegay in 57 Wariye iyo Shaqaale Warbaahineed la dilay, wixii ka dambeeyay 7-dii bishii October.

“7-dii October illaa 25-kii November tirada Saxafiyiinta iyo Shaqaalaha Warbaahinta ee la dilay ayaa gaaraya 57 qof.” Ayuu Guddiga CPJ ku sheegay warsaxafadeed ay xalay soo saareen.

“50 ayaa u dhashay Falastiin, 4 waxay u dhasheen Israel, halka 3-da kalena ay Lubnaan u dhasheen.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

CPJ ayaa intaasi ku dartay in ugu yaraan 11 Saxafi la dhaawacay, saddex la la’yahay iyo 19 kale oo la xiray.

“CPJ waxay baareysaa dhammaan warbixinada Saxafiyiinta iyo Shaqaalaha Warbaahinta ee lagu dilay, laguna dhaawacay amaba lagu waayay dagaalka.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka CPJ.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay “Waa bishii ugu dhimashada badneyd ee Saxafiyiin la dilo, tan iyo markii CPJ ay bilowday uruurinta xogta, sanadkii 1992-kii.”

CPJ ayaa 7-dii October u aqoonsatay maalintii ugu dhimashada badneyd ee Saxafiyiinta, markaas oo ay sheegtay in dagaalka lagu dilay 6 Saxafi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc