Home Wararka Maanta Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas oo ka degay Garoowe (SAWIRRO)

Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas oo ka degay Garoowe (SAWIRRO)

by Laacib

Wafdi ay hoggaaminayaan Raysal Wasaareyaashii hore ee Somaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland.

Wafdigan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee General Maxamed Abshir ku soo dhaweeyay xubno ka kala tirsan Baarlamaanka Federaalka, Golaha Wakiilada Puntland iyo siyaasiyiin kale.

Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa Puntland u tegay xalinta khilaafka ka dhex aloosan maamulka iyo mucaaradka.

“Dabcan waa lagama maarmaan in aanu nimaano, haddii shiddo ka jirto, shiddadaasi wixii aan ka qaban karno, taladayada iyo ra’yigayaga aanu ku biirino, intaas ayaan u nimid, codsiyo badan oo nagaga imaanayay bulshada reer Puntland daraadeed ayuu socodkayagu ahaa.” Ayuu yiri Cabdiweli Gaas oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe.

Gaas ayaa tilmaamay in mar kasta oo marxalad kala guur ah la gaaro ay iska yimaadaan is qabqabsiga, haddana ay doonayaan in xal laga gaaro arrimaha doorashooyinka Puntland.

“Puntland waad u jeedeen waayihii dambe shaqaaqooyinkii ka dhacayay Magaalada Garoowe iyo xiisadihii jiray, mar walbana marxalad kala guur ah markii la galaba, dabcan way iska timaadaa in is faham-waa iyo shiddooyin ay yimaadaan. Marka annagu horeyna waan u nimid Puntland, iyadoo shiddooyin ay ka dhaceen Puntland, haddana waxaan rabnaa uun Puntland oo nabad ah oo wanaagsan, dadkeedu ay mid yihiin, meel u wada jeedaan in la gaaro waqtiga doorashada Insha’Allah.” Ayuu yiri Gaas.

Cumar Cabdirashiid ayaa dhankiisa sheegay in ay isu xilqaameen, sidii ay kaga qayb qaadan lahaayeen dadaalada xalka loogu raadinayo arrimaha taagan.

Garoowe ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeysay ka taagneyd xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa Madaxtooyada Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Inkastoo ay muddo billo ahi ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa haddana muuqan wax saansaan ah oo loogu diyaargaroobayo Doorashada Madaxtooyada Puntland, oo ay tahay in Puntland ka qabsoomto horaanta sanadka ina soo aaddan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc