Home Wararka Maanta Cumar Cabdirashiid oo ku baaqay in la taageero dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

Cumar Cabdirashiid oo ku baaqay in la taageero dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

by Laacib

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Raysal Wasaarihii hore ee Somaliya ayaa codkiisa ku biiriyay siyaasiyiinta ku baaqeysa in hal dhinac laga noqdo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Raysal Wasaarihii hore ee dalka ayaa ku taliyay in Dowladda Soomaaliyeed lagu garab-siiyo dagaalka ay dooneyso in ay dalka kaga saarto maleeshiyadaasi.

Waxa uu sheegay in Shabaabku ay khatar ku yihiin jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, ayna tahay in Dowladda Federaalka lagu garab istaaggo qorshaheeda ay xididada ugu siibeyso kooxaha argagixisada.

“Al Shabaab waxay khatar ku tahay jiritaankeenna, waana inaan dowladda ku taageernaa dadaalka ay ugu jirto ciribtirka khatartaas.” Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Waxa kaloo uu sheegay in ay muhiim tahay dib-u-habaynta xeeladaha iyo istiraatiijiyadda ay ciidamada ku hawlgalayaan.

Waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in la qiro shaqada wanaagsan ee ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ka qabteen gulufka ka dhanka ah Al Shabaab.

“Dib-u-habaynta xeeladaha iyo ciidamada waa lagama maarmaan, balse waa inaan sidoo kale qirno shaqada wanaagsan ee ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ka qabteen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.” Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid oo warkan ku sheegay bartiisa X oo horey loo oran jiray Twitter.

Madaxweyneyaashii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa Arbacadii ku baaqay in la garab joogsado ciidamada dagaalka kula jira Shabaabka hubeysan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Talaadadii hadlayna waxa uu shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan ugu baaqay inay taageeraan Ciidamada Qalabka Sida.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc