Home Dhacdooyin Dab xoogan oo baabi’iyay Suuqii Weynaa ee Magaalada Jigjiga (SAWIRRO)

Dab xoogan oo baabi’iyay Suuqii Weynaa ee Magaalada Jigjiga (SAWIRRO)

by Laacib

Dabka oo bilowday abaarihii 11:00pm ee xalay ayaa ka kacay Suuqa Weyn ee Magaalada Jigjiga, iyadoona uu gaystay khasaare hantiyadeed oo aad u ballaaran.

Dabka oo aan si dhab ah loo garanayn waxa sababay ayaa baabi’iyay qaybo badan oo Suuqa Taywanka ka mid ah, waana suuqa dhaqaale ee ugu weyn Dowlad Deegaanka Soomaaalida.

Shaqaalaha Dab Demiska iyo dadweyne is xilqaamay oo goor dambe oo xalay ahayd ay ku biireen Ciidanka Dab Demiska Somaliland ayaa saaka ku guuleystay inay demiyaan dabkaasi. Gurmadka Somaliland ayaa waxaa hoggaaminayay Duqa Magaalada Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge.

Dadka reer Jigjiga ayuu waaga u baryay, iyadoo uu gubtay inta badan suuqii ugu weynaa magaaladaasi iyo guud ahaanba Dowlad Deegaanka.

Illaa iyo hadda lama soo sheegin khasaare nafeed oo dabkaasi uu gaystay, iyadoo dhanka kale aan la garanayn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha hantiyadeed ee dabkaasi uu sababay.

Dhacdooyinka dabka la xiriira ayaa sanadihii ugu dambeysay ku soo badanayay suuqyada ganacsi ee magaalooyinka waaweyn ee Soomaalida.

Dabka oo inta badan si kedis ah u bilowda ayaa saacado yar gudahood ku gaysta burbur dhaqaale oo aad u baahsan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc