Dabka oo aan si rasmi ah loo ogayn waxa sababay ayaa saqdii dhexe ee xalay ka kacay Suuqa Daraawiishta ee Magaalada Beledweyne, oo ah kan ugu weyn magaaladaasi.
Dabka ayaa baabi’iyay goobo ganacsi, ka dib markii uu si weyn ugu faafay qaybo ka mida suuqaasi.
Wararka ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay saaka ku guuleysteen inay baqtiiyaan dabkaasi.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in magaalada oo aan lahayn gaadiidka dab-demiska, ay keentay in dabku uu si xowli leh ugu fido suuqa, isla-markaana uu gaysto burbur hantiyeed oo ballaaran.
Lama soo sheegin khasaare nafeed oo dabku gaystay, illaa iyo hadda inta laga warqabo.
Suuqa Daraawiishta Beledweyne ayaa waxaa ku ganacsada dadka garab raratada iyo dadka kale ee lagu sheegay in ganacsigoodu uu meel dhexaadka yahay.
Dhacdooyinka dabka la xiriira ayaa sanadihii ugu dambeysay ku soo badanayay suuqyada ganacsi ee magaalooyinka waaweyn ee Soomaalida.