Home Dhacdooyin Dacwad Oogaha ICC oo dalbaday in la soo xiro Raysal Wasaaraha Israel

Dacwad Oogaha ICC oo dalbaday in la soo xiro Raysal Wasaaraha Israel

by Laacib

Xafiiska Dacwad Oogaha ee Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC) ayaa maanta dalbaday in la soo xiro Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Gaashaandhigga, Yoav Gallant.

Dacwad Oogaha Maxkamadda ICC, Karim Khan ayaa sheegay in xafiiskiisu uu doonayo in la soo xiro labadaasi nin, oo loo haysto dembiyo dagaal iyo tacadiyo ka dhan ah dadka rayidka ah.

Netanyahu iyo Gallant ayaa lagu eedeeyay dabar-goynta dadka rayidka ah, sababo ku aaddan dilka iyo gaajeysiinta lagu hayo shacabka aan waxba galabsan. Labada nin ayaa lagu eedeeyay inay hortaagan yihiin gargaarka bani’aadantinimo ee la gaarsiinayo Falastiiniyiinta iyo inay si ula kac ah u beegsanayaan rayidka.

Dacwad Oogaha ICC ayaa sheegay inay caddeymo ku filan u hayaan in gaajo hub ahaan loogu adeegsaday dadka rayidka ah.

“Xafiiskaygu wuxuu ku eedeynaya Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Difaaca, Yoav Gallant in ay ka masuul yihiin qaadista iyo kor joogteenta dembiyada lagu eedeynayo. Israel waxay xaq u leedahay sida dalalka kaleba inay dadkeeda difaacdo, si walba waxay xaq ugu leedahay inay soo ceshato maxaabiisteeda, sida dembinimada ah looga qafaashay. Sidaas oo ay tahay xuquuqdaasi kama reebana inay Israel u hoggaansanaanto shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada.” Ayuu yiri Dacwad Oogaha ICC.

Dacwad Oogaha ayaa yiri “In si ula kac ah loo dilo, loo gaajeysiiyo, loona xanuunjiyo dadka rayidka ah waa dembi la doonayay in lagu xaqiijiyo yoolal militari iyo kuwa siyaasadeed, intaba.”

Dhanka kale Karim Khan ayaa sidoo kale dalbaday in la soo xiro Hoggaamiyaha Siyaasadda Xamaas, Ismail Haniyeh, Gudoomiyaha Marinka Gaza, Yahya Sinwar iyo Taliyaha Garabka Militariga Xamaas ee Guutooyinka Al Qassam, Mohammed Deif, kuwaa oo ku eedeysan inay galeen dembiyo dagaal, intii uu socday weerarkii aan horey noociisa loo arag ee Xamaas ay 7-dii bishii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho.

“Xafiiskaygu wuxuu hayaa caddeymo shaki dhaafsiisan oo muujinaya in saddexdan hoggaamiye ee Xamaas ay masuul ka yihiin dembiyo la xiriira dil lagu la kacay rayid Israeliyiin ah, oo ay fuliyeen Xamaas iyo ururo kale oo hubeysan October 7-deedii ee sanadkii 2023, waxayna afduubteen maxaabiis.” Ayuu yiri Karim Khan.

Karim Khan ayaa yiri “Sidoo kale waxaa jira dembiyo kale oo aynu ku eedeynayno oo ku jira kiiskan. Xafiiskaygu wuxuu hayaa caddeymo, isaga oo wareystay dad ka soo badbaaday iyo goobjoogeyaal, intaba.”

Mr. Khan ayaa sheegay go’aamadan inay yihiin natiijada ka soo baxday baaritaan madaxbannaan oo xafiiskiisu uu sameeyay.

Tani ayaa ku soo aadaysa, iyadoo La taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, Jake Sullivan uu booqasho ku joogo Israel.

Weerarada baahsan ee ay Ciidamada Israel ku hayaan Marinka Gaza ayaa galaaftay nolosha in ka badan 35,562 qof, halka 79,652 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay maanta xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay Ciidamada Israel dileen 106 qof, 176 kalena ay dhaawaceen, waana mid ka mid ah maalmihii ugu khasaaraha badnaa, tan iyo intii ay Israel bilowday duulaankeeda Marinka Gaza, toddobo bilood ka hor.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc