Home Wararka Maanta Dad badan oo ku dhintay dagaalka ka socda Garoowe

Dad badan oo ku dhintay dagaalka ka socda Garoowe

by Laacib

Faah faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalka culus ee maanta ka socda Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Dagaalka oo 11-kii barqanimo ee maanta ka qarxay bartamaha magaalada ayaa u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo ciidamo kaloo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo horjeeda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Illaa iyo hadda inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa waxaa ku dhintay saddex iyo toban qof oo rayid ah, halka in ku dhow labaatan kalena ay ku dhaawacantay.

Dadka rayidka ee ku dhintay dagaalka iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay ayaa la kala geeyay Isbitaalka Guud ee Garoowe iyo isbitaalka kale ee Qaran.

Wax badan lagama oga khasaaraha gaaray dhinacyada uu dagaalku u dhaxeeyo, marka laga soo taggo in dhimasho iyo dhaawacba ay jirto oo dhinacyadaasi kala gaartay.

Dagaalka ayaa magaalada ka qarxay wax yar uun ka dib, markii uu furmay fadhi ay Xildhibaanada Baarlamaanka ku lahaayeen xaruntooda magaalada. Xildhibaanada ayaa kulankaasi kaga doodayay soo jeedintii xukuumadda ee wax ka bedelka dastuurka, taas oo si weyn ay mucaaradka uga biyo diidanaayeen.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa shaaciyay in 34 Xildhibaan ay haa ugu codeeyeen wax ka bedelka dastuurka, halka hal Xildhibaan uu diiday, cid ka aamustayna aysan jirin.

Ciiidamada dagaalamaya ayaa hadda u muuqda kuwo iska la sii baxaya magaalada.

Dagaalka oo walaac ku abuuray dadka deegaanka ayaa bilaabay in ay isaga barakacaan xaafadaha ku dhow dhow Xarunta Baarlamaanka. Dadka ka barakacaya magaalada ayaana gaaraya xaafadaha fogfog, gaar ahaan dhanka bari ee magaalada.

Dagaalkan ayaa si weyn u saameeyay bartamaha magaalada, waxaana jira burbur ka muuqanaya dhismayaasha goobihii lagu dagaalamay.

Goobaha ganacsiga ee magaalada ayaa xiran, iyadoona uu xadidan yahay dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Odayaasha Dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka ayaa mar kale isku dayaya in ay waan-waan ka dhex bilaabaan maamulka iyo mucaaradka, si dagaalka loo joojiyo dagaalka.

Si kastaba ha-ahaatee dagaalku ma ahayn mid ay hadda filayeen dadka reer Puntland, inkastoo muddooyinkii ugu dambeysay ay xiisad ka taagneyd Garoowe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc