Home Wararka Maanta Dad hor leh oo ku geeriyooday fatahaadda Beledweyne

Dad hor leh oo ku geeriyooday fatahaadda Beledweyne

by Laacib

Dad hor leh ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen fatahaadda uu Webiga Shabelle ka gaysanayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Webiga oo toddobaadkii hore si weyn ugu fatahay magaaladaasi ayaa inta badan dadka deegaanka ku khasbay in ay guryahooda isaga barakacaan.

Iskuduwaha Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Hirshabelle, Cabdisalaan Faarax Maxamed ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay fatahaadda Beledweyne ay hadda gaartay 13 qof. Tani ayaa ka dhigan in 5 qof ay ku korortay tirada dadkii Talaadadii la shaaciyay in fatahaaddaasi ku geeriyoodeen.

Waxa uu sheegay in dadka dib laga xaqiijiyay geeridooda ay ku jirto gabar 4 jir ah, taas oo uu sheegay inaanan weli la aqoonsan, isla-markaana uu meydkeedu yaalo xaafadda Buundoweyn.

Cabdisalaan Faarax ayaa tilmaamay in xaaladda fatahaadda magaalada ay ka sii dareyso, fatahaadduna ay saameysay magaalada oo dhan.

“Runtii khabuur kama jirto magaalada, qabriyadii oo dhan ee hareeraha magaalada biyo ayaa wada galay, xitaa markii la qodaayo godka hal mitir ka badan lama qodi karo, xitaa iil iyo waxaas ma jiro, qofka inta lagu rido, fuusta la fidiyayna inta dusha laga saaro ayaa lagu aasaa. Marka xaalad aad iyo aad u adag ayay Magaalada Beledweyne wajaheysaa.” Ayuu yiri Cabdisalaan Faarax.

Cabdisalaan Faarax ayaa sheegay in fatahaadda noocaan oo kale ah ay ku cusub tahay magaalada, marka aad eegto baaxadda iyo xowliga ay biyuhu ku socdaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka iyo Siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqay inay u gurmato dadka ka barakacay Magaalada Beledweyne iyo kuwa kale ee weli magaaladaasi ku go’doonsan.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa sheegtay in maalmaha soo socda la filayo in ay kordhaan roobabka ka da’aya dalka ee ka dhashay isbedelka cimilada, ayna sababtay duufaanka El-nino.

Gobolada Hiiraan iyo Gedo ayaa laga diiwaangeliyay kiisaska ugu badan ee dhimashada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc